Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday degaanka Ceel-dheer oo qiyaastii 60 Km galbeedk kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,sida ay sheegtay wakaaladda SONNA .

Weriye ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa wakaaladda wararka SONNA ka soo xigatay in malayshiyaadka Al-shabaab ay shacabka u diideen in ay u soo dhowaadan halka la duqeeyay ama degaanka ay ka baxaan,si aan loo ogaan khasaaraha gaaray.

Warbixinta ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA si cad looguma sheegin cidda duqeyntaasi geysatay,balse keliyah waxaa lagu xusay in dalalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka Al-shabaab ay ka war heleen shirar malayshiyaadka uga socday degaanka Ceel-dheer,kadibna la duqeeyay.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in degaanka Ceel-dheer ee gobolkaasi Hiiraan ay Al-shabaab ku uruuriyaan xoolaha ay ka dhacaan shacabka ku nool bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POS

The post Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in duqeyn lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this