Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirrada DF oo ansixiyey miisaaniyadda 2019 oo ah tii ugu badneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar).

Wasiirka maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan.

Wasiirka ayaa sheegay  in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

“Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan.

Meelaha laga filayo Dakhliga

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) waxa ay ka filaysaa gudaha dalka, 44.2% (124.6 Milyan) waxa ka filaysaa deeqaha dawladda lagu caawiyo.

Dakhliga Gudaha

Dakhliga gudaha laga filayo ayaa isugu jiraa canshuur lasoo aruuriyay iyo qayb aan canshuur ahayn.

Canshuuraha waxaa laga filayaa 135.2 Milyan iyada oo dakhliga aan canshuuriga ahayn la filayo uu yahay 54.7 Milyan oo dollar.

Deeqaha dawladda la siiyo

Deeqaha dawladda la siiyo wax ay isugu jiraan deego laba dhinac ah iyo deeqo dhinacya badan, waxaana 30 Milyan oo kamid ah la filaayaa in ay ka timaaddo deeqda laba dhinac la ah, 120.2 Milyan ee kalana waxa ay ka imaanaysaa deeqaha dhinacyada badan.

Miisaaniyadda cusub ayaa ah tii ugu badneyd ee ay ansixiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha usoo xaroodda xukuumadda uu marba marka ka dambeysa sii kordhayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this