Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay inay qarax ku dishay 30 ka mid ah ciidamada Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa maanta lala beegsaday kolonyo baabuur ah, oo ay la socdeen ciidamada dalka Ethiopia ee xaafadda Ceel-Gaal, oo ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab, oo sheegatay inay qarax fulisay, ayaa ku warrantay inay ku dishay 30 ka mid ah ciidamada Ethiopia.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “30 askari oo xabashi ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula eegtay deegaanka Ceel Muslim, kolonyada qaraxa lala helay ayaa ka baxday magaalada Beleweyne waxayna kusii jeedday dhanka Itoobiya”

Dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu dhacay, hase yeeshee ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta khasaaraha qaraxa.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah, oo ka mid ahaa kolonyada, kaasi oo gabi ahaantiis goobta ku basbeelay, waxaana la arkayey qiic iyo Uuro Madoow oo ka baxaya gaariga qaraxa lala helay.

Qaraxa kadib ayay ciidamada Itoobiya waxay rasaas ku fureen wadada hareeraheeda balse illaa iyo hadda lamasoo sheegin wax khasaare ah oo dad shacab ah kasoo gaartay rasaasta.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this