Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilada Midowga Afrika iyo QM oo kulan xasaasi ah la leh Axmed Madobe  

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Nicholas Haysom, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam,kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Jubaland iyo khilaafka Golaha Iskaashiag Dowlad Goboleedyada kala dhaxeeya Dowladda Federaalka ah.

Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa shalay la kulmay Madaxda Golaha aqalka sare ee dalka,waxaana ay kaddib sheegeen in ay ka qeybqaadanayaan xal u raadinta khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Booqashadooda ugu horreysa ayey maanta ka billaabeen Magaalada Kismaayo,waxaana la filayaaa in ay booqdaan Magaalooyinka kale ee Xarumaha u ah dowlad Goboleedyada dalka.

Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay ka dib markii Madaxda maamul goboleedyadda ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this