Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xog xasaasi ah ka heshay weeraro Shabaab ay ka fulin rabaan Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Hay’adahadeeda amaanka ka war heleen in al-Shabab ay qorsheynayaan weerarro ka dhaca xarumo waaweyn oo ku yaalla Magaaladaas.

Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa sheegay in Ragga ka tirsan Al-shabab ee qorsheynaya weerarkaas uu hoggaaminayo Ahmed Harith Mahmoud, kaas oo saaxiib dhow la ah Ahmed Iman Ali, oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabab una dhashay Kenya.

Ciidamada la dagaallanka Argagixisada ee Nairobi ayaa heegan sare la geliyay waxaana ay sugayaan amaanka magaalada.

Meelaha Hay’adaha sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower,Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah.

Ciidamada ayaa helay Warqad ay ku qoran yihiin goobaha la doonaayay in la weeraro, waxaana halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah.

Joseph Boinnet Taliyaha Booliska Kenya , ayaa sheegay in warqadda la helay ee xogtan ay ku qoran tahay ay been abuur noqon karto laakiin haddana aysan dhayil saneyn Hay’adaha ammaanka.

Meelaha Hay’adaha Sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto, iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo.

Weerarka ayuu sheegay in la qorsheynayo 28ka Bishan October oo ku beegan maanta oo Axad ah ilaa 4ta November inta u dhaxeysana la fulinayo haddiiba ay sax tahay.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto,iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this