Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo shaki geliyey inuu Farmaajo soo diray caasuumaadii Maamul Goboleedyada “Gacan Seddexaad ayaa iiga muuqato”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in warka ka soo baxay Madaxtooyada ee ku baaqayay shir ay isugu yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada uusan ka muuqan hadalka Madaxweyne Farmaajo oo ay qortay sida uu yiri gacan saddexaad.

Waxaa uu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah aysan  si dhameystiran raalli uga ahayn xallinta khilaafka u dhaxeeya.

Waxaa uu Guddoomiye Cabdi Xaashe sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu isaguna ka mid yahay dhinacyada ay wax ka socon la’yihiin.

‘Axmed Madoobe aniga waan la hadlay,dadka ay wax ka socon la’yihiin ayuu ku jiraa,wuxuuse igu yiri si deg deg ah ayaan kuugu soo jawaabayaa’ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo labada dhinac ka dalbaday iin ay tanaasul muujiyaan.

Sidee ayey u qorneyd Caasuumadii la sheegay inuu Farmaajo soo diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this