Sign in to follow this  
Deeq A.

9-ka koox ee hor-taagan nabadda Somalia (Kooxda 2-aad D/Goboledyada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkan ka aqriso qeybtii hore ee qormadan.

Dowladda Goboleedyada

Shirkii Embagaati, Kenya, ee ay hogaamiye-kooxeedyadu hormuudka ka ahaayeen waxaa lagu ansixiyey nidaamka ismaamulka ee Federaalka loo yaqaan.  Hannaankan maamul ayaa la qaatay iyadoo aysan jirin awood dowladeed oo hagta tubta iyo habraaca loo maraayo federaaleynta iyo nooca uu noqonaayo federaalka la qaatay. Dastuurka KMG ee hadda dowladdu ku shaqeyso qodobkiisaa 1aad iyo 3aad ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay dal federal ah oo ku dhisan dimoqraadiyad, matalaadda dadka iyo mabaadi’da awood qeybsiga. Isla dastuur KMG qodobkiisa 49aad ayaa sheegaya in labo gobol iyo wixii ka badan ay isku biiri karaan si ay maamul goboleed u noqdaan, laakiin dastuurku ma caddeynayo wax shuruud ah oo laga rabo goboladda maamul goboleed noqon kara.  Arrintaan ayaa keentay dhibaatooyin iyo khilaaf hareeyey nidaamka federaalka ah.

Inkastoo dhibaato badan kadib ay sameysmeen shan maamul goboleed iyo Soomaliland oo dhinac u taagan, hadana waxaa hubaal ah in nidaamkaan federaalka uu dalka ku soo kordhiyey dhibaatooyin jilbaha u dhigay dowlanimada iyo nabadeynta soomaaliya. Inkastoo ay badan yihiin dhibaatooyinka uu keenay nidaamka federaalka ee Soomaaliya, waxay ila tahay inaan ku soo koobi karno:

  1. Madaxweyneyaal: nidaamka ismaamul goboleed/ deegaan dowladdeedku wuxuu keenay in ay soo ifbaxaan madaxweynayaal doonaya inay u dhaqmaan sidii in ay xukumaan dal madax-bannaan. Waxay la soo baxeen awoodo fara badan iyo inay isku dhereriyaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha dalka. Waxayna u dhaqmaan si aan u wanaagsaneyn danta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ay colaadaha iyo faqrigu daashadeen.
  2. Kharash badnaan iyo Isbarbaryaac: ismaamul goboleedyadu waxay soo kordhiyeen wasiirro iyo baarlamaanno fara badan kuwaas oo sii badiyey baahida kharash ee uu dalku u haraadan yahay. Wasiirada wasaaradaha faraha badan ee maamul goboleedyada ayaa doonaya inay ugu yaraan qayb ka ahaadaan, go’aan kasta oo wasaaradaha dowladda dhexe ay qaadanayaan. Wasiirro ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa waxay inta badan ka qayb galaan shirar caalami ah ama ay garwadeen ka yihiin dad ajnabi ah, halkaas oo ay mararka qaar ka jeediyaan farriimo is khilaafsan oo sharaf dhac ku ah dadka iyo dowladnimada soomaaliyeed. Taasina waxay keentaa in Soomaaliya aduunku u arko dal dadkiisu aaney ka heshiin karin wixii iyaga ka dhex jira isla markaana hanan karin dowladnimadooda, sidaas darteedna ay gar tahay in loogu taliyo sidii ubad ababin u baahan.
  3. Awood la’aan dowladda dhexe: Dowlad goboleedyada iyo sida ay u doonayaan in wax kasta oo dowladda federaalku waddo aaney socon haddii aaney iyagu talada iyo go’aan door hormuud ah ku lahayn ayaa noqotay caqabad weyn. Arrintaan ayaa keentay in dowladda dhexe noqoto mid taagdaran oo iyaga u dabran, oo xitaa aan go’aan ka gaari karin awoodihii dastuurku siiyey sida; amniga qaran (xuduudaha cirka, dhulka iyo badda), arrimaha dibadda, socdaalka, isgaarsiinta IMW. Arrintaan ayaa waxay niyad jab ku abuurtay shacabka soomaaliyeed ee doonaya inay helaan dowlad ka shaqeysa danahoodaa iyo ilaalinta sharaftooda.
  4. Khilaaf beeled Joogta ah: ismaamul goboleedyada ayaa dad badani u arkeen inaaney ka jirin cadaalad iyo awood qeybsi lagu wada qanacsan yahay. Maadaama ismaamul goboleedyadu ay sameysmeen xilli dalku kala qeyb-qeybsan yahay, isla markaana deegaan kasta beelaha wada dega uu ka dhex jiray loolan iyo khilaaf qaarkood dhiig badani ku daatay, ismaamul goboleedyadu weli waxay leeyihiin summado qabiil ama astaamo beeleed. Arrintaa ayaa abuuraysa khilaaf joogta ah iyo kalsooni darro ka dhex jirta beelaha. Nidaamkani wuxuu keenay in dhulka la kala sheegto ayna beeluhu ku dagaalamaan xuduud beenaadka maamul goboleedyada. Tusaale; waxaa loo soo qaadan karaa, khilaafkii dadka badan ku dhinteed ee Magaaladda Gaalkacyo, khilaafka gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ee hardanka awoodda beelaha iyo maamul goboleedyada ku saleysan.
  5. Ciidan Beeleed: Maamul goboleedyadu waxay haystaan ciidan hal qabiil u badan oo aan tayo badneyn, waxayna soo bandhigaan shuruudo caqabad ku ah dhismaha ciidan qaran oo leh awood uu ku hanan karo ilaalinta amniga dalka iyo in laga maarmo ciidamo shisheeye. Arrinkan ayaa ragaad ku noqday soo celinta dowladnimada, nabadda iyo amniga dalka…la soco qeybta xigta oo ku saabsan Al-Shabaab, insha allah.

W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this