Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Madaxdii ka qeeybgashay shirkii OIC

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa xalay xarunta maamulka Gobolka Banaadir casho sharaf ugu sameeyay madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Casho sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Gudoomiye Yariisoow oo halkaasi ka hadlay ayaa caasimada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafuudaasi ka qeeybgashay Shirkii kooxda Xiriirka Soomaaliya ee wadamada iskaashiga Islaamka.

“Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”. ayuu yiri gudoomiye Yariisoow

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimada shirkaasi uu lahaa.

Hoos ka Daawo Sawirada

Kulan-6.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1 Kulan-5.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1 Kulan-4.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1 Kulan-3.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1 Kulan-2.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1 Kulan-1.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Madaxdii ka qeeybgashay shirkii OIC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this