Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan katirsan DDSI oo lagu Xeray Jig Jiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jig Jig ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xeray xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulkaasi.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in xildhibaanad Nasra Xasan ay ka kaxeeysteen hooygeeda magaalada Jig Jiga.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga xariga Xildhibaanadaasi katirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ugu baaqay madaxweyne Mustafa Cagjar in uu dhowro xasaanada xildhibaanada xildhibaanadaasina uu xabsiga ka sii daayo.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Xildhibaan katirsan DDSI oo lagu Xeray Jig Jiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this