Liqaye Posted January 13, 2004 Aamino Abuukar Nuur “Waxaan waxbarasheydii ku waayay niqaabkii aan xirnaa dartii Muqdisho Aamino Abuukar Nuur oo ka mid aheyd ardayda wax ka dhigata Dusiga sare ee Ablaal (Ablaal Secondary School) ee ku yaal xaafada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo gaarsiisay boogan ku sheegtay in ay waxbarashadeedii dugsiga sare ee ay ka dhiganeysay dugsiga sare ee Ablaal ay ku weysay xirashada niqaabka insha shareerka ah oo ay qaadato, uun ku amray maamulka iskuulkaasi in ay iska dhigto ama ay isaga tagto iskuulka, balse ay iyadu diiday taa oo ay ka doorbiday halkii ay iska dhigi laheyd niqaabka in ay isaga tagto waxbarashada. “Waxaa I qabsatay arrin aan ku wanaagsaneyn oo meel ka dhac ku ah sharceecada islaamka, kadib markii niqaabkii aan xirnaa dartii la igaga buriyay iskuulkii aan wax ka baranayay, welibana la iigugu hanjabay in aan iska dhigo niqaabka haddii kale aan waxbarashadeyda ku weyn doono, run ahaantii aniguna arrintaasi aad ayey igugu adkaatay in aan waxbarasho darteed u dhigo sheygii uu ALLE igu waajibiyay xirashadiisa, waxaana la isku dayay in macalimiintii qaarkood la igu diro, waxeyna aaqirkii ku soo uruurtay in iskuulkii la iga kansalo galkeygiina la i siiyo, markii aan codsaday warqadii bedelaada si aan ugu bedesho iskuul kale, soo noq-noqosha badan kadib waa la ii diiday” ayey tiri Aamina Abuukar Nuur oo ku tilmaantay maamulaha iskuulkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan Macalin Axmed (Ablaal) shaqsi ku kacay wax aan shareecada islaamka ku wanaagsaneyn, waxeyna sheegtay in maamuluhu ku adkeystay go’aankiisii diidmada ahaa, ayna haatan tahay qof guri joog ah oo aanan waxba baran. Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haaruun Posted January 13, 2004 This is sad and hard to blv.....I didn't know that we have such pple(like him) @ home Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted January 13, 2004 Tolow maxaa ku dhacay wadaadadii Muqdisho? I would have thought they would come to her assistance. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nafta Posted January 13, 2004 oh my days...if you wear it they tell you to put it off, if you dont they say you're a suqna...hypocrites :rolleyes: besides did they tell her why she couldn't wear the indha sareer? what was the main reason or was it just another case of showing who's boss? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Blessed Posted January 14, 2004 This is madness! My friend went Tunisia for the Hils. and was the telling me that brothers arn't allowed to grow beards and Sisters not allowed to wear hijaab. same situation in Algeria and many other Muslim countries...and now this!! Hypocrites ayaa ina haysta.. bal halkay ilaahay ka galayaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 14, 2004 this is an update on the present situation Wareysiyo gaar gaar ah oo aanu la kala yeelanay Maamulaha dugsiga sare Ablaal & gabar ka mid aheyd ardayda iskuulkaasi oo sheegtay in waxbarashadeedii ay ku weyday niqaabkii ay xirneyd dartii Muqdisho Wareysi aanu la yeelannay 12/1/2004 Aamino Abuukar Nuur oo aheyd gabar ka mid ah ardayda dhigata dugsiga sare Ablaal (Ablaal Secondary School) ee ku yaal xaafada Bandar-wanaag ee degmada Huriwaa ayaa ku sheegtay wareysigaasi in ay ka mid aheyd ardayda wax ka barata iskuulka Ablaal lagagana soo eryay iskuulaasi Kadib markii sida ay sheegtay uu maamulaha iskuulka u sheegay in ay iska dhigto niqaabka (Insha shareeka) haddii kalena ay isaga tago iskuulka, ayna u sheegtay maamulka in ay door bideyso in aysan dhigin niqaabka haddii iskuulka ay sii dhigato & haddii ay ka tagtaba. “Maalintii ugu horeysay ee aan tegay iskuulka aniga oo xiran niqaabka ayuu igu yiri maamulaha iskuulka “waa kuma qoftan” markii aan isku sheegay ee uu i gartay-na wuxuu igu yiri iskuulkan laguma dhiganayo niqaab mana oggoli waxaana markaasi goob joog ahaa macalin Ibraahim & macalin Weheliye”ayey tiri Aamino Abuukar Nuur oo intaa ku daray in aysan horay u qaadan jirin niqaabka balse ay dhowaan bilowday in ay qaadato, waxeyna intaa ku dartay in ay jiraan arday gaareysa 5 oo horay u qaadan jiray niqaabka uuna macalinka u sheegay in uu qaati ka taagan yahay kuwaasi, uusan aqbaleyn qof kale oo xiray niqaabka Hadaba maamulaha dugsiga sare Ablaal oo la soo xiriiray boggan ayaa ka codsaday wariyayaasha bogga in ay soo booqdaan iskuulka ayna indhahooda ku soo arki karaan xaalada ay ku sugan yihiin ardayda wax ka dhigata iskuulkaasi, waxaana kormeerkii saaka ay wariyayaasha bogga ku tageen iskuulka ay ku soo arkeen qaar ka tirsan ardayda iskuulka oo xirnaa niqaabka kuwaasoo aad u tiri yaraa, wuxuuna sheegay maamulaha iskuulku in aysan ka suurtoobin in ay sidaa falaan ayna la yaab ku noqotay markii ay arkeen farriintii gabadha ay ku qortay Internet-ka, isaga oo intaa ku daray in maamulku kala jecleyn ardaygii xirta niqaabka & kii kale, ayna howshoodu tahay keliya in ay ardayda wax baraan kuna dedaalaan waxbarashadooda Gabadha cabashadeedu kuma saleysneyn niqaabka, waxaana keenay in iskuulka laga eryo markii ay qaar ka tirsan maamulka u geysatay aflagaado” ayuu yiri maamulaha iskuulka C/raxmaan Axmed Macalin (Ablaal) isaga oo ku ceceliyay in aysan iyagu kala jecleyn ardayda oo aysan qaarna u fasaxeyn niqaabka qaarna aysan u diideyn, wuxuuna intaa raaciyay in manhajka ay ardayda wax ku baraan uu ku saleysan yahay kii wasaaradii waxbarashada ayna u dhigaan ardayda dhammaan maadooyinka lagu barto iskuulada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
JIDAAWY Posted January 15, 2004 Look at these jew soldiers forcibly removing the hijaab of some palstainian ladies… Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomeAlien Posted January 15, 2004 someone please give me a translation of the article. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomeAlien Posted January 15, 2004 someone please give me a translation of the article. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Reality Check Posted January 20, 2004 Jidaawy, How are they removing the hijabs from women when every single women in that picture is wearing a hijab? :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Changed Posted January 20, 2004 aboow aboow how dare he kick her out from the school for wearing indha shareer that is absurd :mad: :mad: Quote Share this post Link to post Share on other sites