Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Axmed Madoobe oo shaaciyey xil qarsanaa oo Garowe loogu soo dhiibay kuna baaqay shir cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa shaaca kaga qaaday xil, aan markii hore loo shaacin, loogu soo dhiibay shirkii dowlad goboleedyada ee Garoowe, oo ah inuu mas’uul ka yahay aas-aaska ciidamada isbaheysiga ah ee ay dhisanayaan dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe, ayaa ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan wasaaradaha amniga iyo taliyeyaasha ciidamada Dowlad Goboleedyada, si loo guda galo howshan loo soo wakiishay.

Shirkaan ayuu sheegay in Jubaland ay marti-gelineyso, isla-markaana lagu qabanayo magaalada Kismaayo, inta badana looga hadli doono dib u dhiska ciidamada isku-dhafka ah ee dhawaan lagu go’aamiyay shirkii Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada.

Shirka Jaraa’id ee uu Kismaayo ku qabatay Axmed Madoobe ayuu sheegay in qorshaha shirkaas ka soo bixi doono uu yahay dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay gaaraan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad goboleedyada, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana ka qyeb geli doonin wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle oo heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Aaxmed-Madoobe.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this