Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Madaxweyne Madoobe Oo Sharraxay Ujeedka Shirka Amniga Ee Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka shaaciyay halkaas in qorshaha shirka Kismaayo uu yahay dardargelinta howllagada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in shirkaasi ay Kismaayo uga wada qeyb geli doonaan wasiirrada amniga dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Maamul Goboleedyada afarta ah Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa shirkii Garoowe waxay go’aan ku gaareen inay sameystaan Ciidan isku dhaf ah, islamarkaana ka wada shaqeeyaan amnigooda iyadoo laga maarmaro xukuumadda Muqdisho.

Waxay sidoo kale ka baxeen qorshayaashii amniga ee uu qeybta ka ahaa maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo.

HOOS KA DHAGEYSO:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Axmed-Madoobe-oo-fahfaahiyay-shir-Kismaayo-uga-furmaya-Wasiirada-amniga-maamulada.mp3

 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this