Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo rukhseeyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa shaqada ka ceyriyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliiska Puntland,kaasoo kamid ahaa saraakiil ciidan oo maalmo ka hor shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garoowe ku taageeray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 25 bisha October ayaa shaqada looga rukhseeyay,G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar(Layli) oo ka tirsanaa Booliiska Puntland horena mar u soo noqday taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal.

Sarkaalkan ayaa sida digreetada ku xusan lagu eedeeyay in uu si is-daba joog ah ugu kacay falal liddi’ ku ah jiritaanka dowladda Puntland iyo anshaxa ciidamada. G/Sare Layli ayaa shir jaraa’id oo uu la qabtay saraakiil kale waxay taageero ugu muujiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale dhaliilay xukuumadda Puntland iyo shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe.

Laba digreeto oo is-xigay ayaa madaxweyne Gaas caawo ku rukhseeyay 7 sarkaal oo kamid ahaa  Daraawiishta Puntland iyo hal sarkaal oo ka tirsanaa Booliiska,kuwaasoo dhammaantood shir jaraa’id ka sheegay in ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo rukhseeyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this