Sign in to follow this  
Deeq A.

kadib dilkii Jamal Khaashuqji Akhriso Liiska magacyada Wariyaasha u xiran Dowladda Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimadda Online) – Iyadoo ay Sacuudiga ka daalaa dhaceyso culeyska kaga imaanayo dilkii Qoraa Jamal ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyada Wariyaasha ku jiro xabsiyada ku yaal dalka Sacuudiga.

Suxufiyiinta kale ayaa lagu soo xirxiray howlgalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda ee uu sannadkii 2017-kii billaabay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo uu dhalay boqorka hadda xilka haya ee Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex haween ah oo difaacayay xuquuqda dumarka.

Dhammaan saddexdoodaba waxaa xabsiga loo diray iyagoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xukunka lagu riday.

Inta badan suxufiyiinta hadda xiran ayaa sugaya in la maxkamadeeyo.

Haddaba halkaan hoose ka akhris liiska Wariyaasha Xiran

Suxufiyiintii la xiray wixii ka horeeyay sannadkii 2017-kii

-Raaif Badawi, oo wax ku baahiya internet-ka, ahna aasaasaha warbaahinta Saudi Liberal Network.

-Calaa Brinji, oo ah wariye ka tirsanaa warbaahinnada kala ah Al-Sharq, El Bilad iyo Okaz.

-Waliid Abu al Khair, oo ah aasaasaha hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga.

-Naziir al Maajid, oo ah wariye qoraa ah oo la shaqeynayay warbaahinno kala duwan oo ay ku jirto Al Hayat et Al Sharq.

-Faadhil al Manafes, oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta Citizen, isla markaana u doodi jiray xuquuqda aadanaha.

Suxufiyiintii la xiray wixii ka dambeeyay sannadkii 2017-kii

-Saalih al Shehi, oo ah wariye ka tirsan warbaahinta Al Wadan.

-Eman al Nafjaan, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, ahna aasaasaha warbaahinta dhinaca internet-ka ee haweenka Sucuudiga.

-Nouf Cabdulcasiis al Jeraawi, oo ah haweeney wariye ah oo dhinaca internetkana wax ku baahisa, iyo waliba qof u dooda xuquuqda dadka kale.

-Nassima al Sacda, oo ah wariye qori jirtay maqaallo ay ugu doodeysay xuquuqda haweenka.

-Cali Al Cumaari, oo ah aasaasaha telefishinka 4Shabab TV.

-Maalik al Axmad, oo ah tifaftiraha warbaahinno kala duwan, ahna aasaasaha warbaahinta Al Mohayed.

-Maxamed Sacuud al Bishaar, oo ahaa wariye maqaallada u qora warbaahinno uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Twasul.

-Jamiil Farsi oo ah ganacsade, isla markaana ah wariye maqaallada ku qori jiray warbaahin uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Okaz, waxayna dad fara badan kala socdeen bartiisa Twitter-ka.

-Essam Al Zamiil, oo ah dhaqaaleyahan ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen.

-Cabdalla Al Maaliki, oo ah macallin ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen.

-Salman al Cawdah, oo ah nin isbaddal doon ah oo wax ku baahin jiray dhinaca internet-ka, isla markaana lahaa dad fara badan oo kala socday bogiisa internet-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this