Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal qaraar oo Kismaayo ka dhacay iyo Axmed Madoobe oo weeraray beel ku kacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Kismaayo uu dagaalkulul ku dhexmaray Maleeshiyaadka daacadda u ah Axmed Madoobe iyo Beesha Cawlyahan oo ku kacsanaa xukunkiisa.

Sida ay Caasimadda Online ugu warrameen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Axmed Madoobe oo wata Maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa weeraray xaafadda Dalcadda ee u dhaw madaarka Kismaayo, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamo u badan beesha Cawlyahan.

Ilaa iyo hadda khasaaraha la xaqiijiyey ayaa lagu sheegay afar dhimasho ah oo beesha la weeraray ah walow aan la ogeyn dhinaca Maleeshiyada Axmed Madobe waxa soo gaaray.

Lama oga ujeedka uu Axmed Madoobe u weeraray maanta beesha Cawlyahan walow la fahansan yahay in ay diidan yihiin maamulkiisa magaalada Kismaayo.

Beesha Cawlyahan ayaa ka mid ah beelaha Ogaadeen ee Axmed Madoobe uu ka dhashay. Axmed Madoobe ayaa kasoo jeeda jufada Reer Cabdulle ee Ogaadeen. Reer Cabdulle iyo Cawlyahan waa laba jufo oo siman.

Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaa Al Shabaab ayaa markii dambe qabsaday Kismaayo oo uu ka dhisay maamulka Jubbaland ee aan xataa Goobweyn gaarsiisneyn, isaga oo gacan ka helaya dowladda Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this