The Zack Posted November 18, 2007 Duqsi faro badan oo saameyn ku yeeshay magaalada Bosaaso Last Updated::2007-11-17 14:19:18 TopStoryBoosaaso(HRNet):- Duqsi badan oo ka dhashay nawaaxiga magaalada Bosaaso ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay nolosha dadka magaalada iyo ganacsiga. Duqsigan oo ayaa ka dhashay roobabkii dhawaan ka da'ay magaalada Bosaaso iyo gobalka Bari, waxaana si weyn magaalada looga arkayaa in duqsigan uu saameyn ku yeeshay goobaha ganacsiga gaar ahaan goobaha lagu cunteeyo. Shacabka magaalada iyo Ganacsatada ayaa ka codsaday Dowladah Hoose ee Bosaaso in ay wax weyn ka qabtaan arrintan, ayadoo ay horey u socdeen dadaalo lagu doonayo in lagu xoojiyo nadaafada magaalada Boosaaso. Kulan todobaadkii hore ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa Dowlada Hoose, Ganacsatada iyo Waliba Hay;adaha wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah uga hadleen sidii looga hortagi lahaa nadaafad xumada ka dhalan karta roobakii ka da'ay magaalada ee reebay biyo badan oo fadhiya qeybo kamid ah magaalada. Waxaana si weyn looga deyrinayaan nadaafada goobaha ay degen yihiin dadka qaxootiga ah ee soo baro kacay oo qaarkood la sheegay in ay lasoo deristay dhibaatooyin iyo cuduro ka dhasha biyaha. Xassan Ciise HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 18, 2007 Welcome to Africa Quote Share this post Link to post Share on other sites