Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhuusamareeb ma aqbali doontaa iney noqoto meesha laga duminaayo rajada Soomaaliya ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda maamul goboleedyadu waxey ku dhawaaqeen in la isugu yimaado Shirweyne Qaran oo lagu qaban doono magaalada Duusamareeb ee xarunta Gal-Mudug. Shirkaan waxaa loo arkaa mid la doonaayo in lagu carqaladeeyo rajada Dowladnimada ee Soomaaliya.

Madaxda maamulada oo dhowaan xisbi siyaasi ah dhistay ayaa sidoo kale doonaya in shirkaan ay ku buun buuniyaan xisbigooda iyo iney isku dayaan in shacabka laga iibiyo in Dowlda Farmaajo ay dhaqaaqi weysay oo ay muhiim tahay in laga tashado.

Micnaha Shirweyne Qaran waa dalka Dowladi kama jirto ee aan tashano, taas oo bur burineyso dhisimihii iyo waqtigii la galiyay Dowladnimada Soomaaliya 18kii sanno ee lasoo dhaafay, beesha Caalamka ayaa la filaya iney arrintaan si weyn u diido.

Garoowe ayuu balanku ahaa in lagu qabto shir noocaas ah ah 10kii bishaan October, laakiin reer Puntland arrinkaas waa la xumaatay waxaan kulankii loo badaly mid caadi ah, hadaba Dhuusamareeb ma aqbali doontaa wixii ay diiday Garoowe ?.

Magaalada qadiimiga ah ee Dhuusamareeb waxaa maamula koox diimeedka Ahlu Sunna kuwaas oo xiriir meel dhexe ah uu kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya tiiyoo ay jirto inuu wada hadal u socdo labada dhinac, laakiin baahida iyo loolanka siyaasiga ah ka sokoow waxaa Dhuusamareeb hortaala sida ay arrintaan ku aqbali karto shacab iyo maamul intaba.

Hodan Maxamuud oo baratay xiriirka caalamiga ah kana soo jeeda Gal-Gaduud ayaa aaminsan in aaney macquul aheyn in Dhuusamareeb ay noqoto hooyada bur burka rajada Soomaaliya, waxey sheegtay in ay aaminsan tahay in madaxda Ahlu Sunna ay fahmi doonaan sababta ay Garoowe u diiday shirka noocaan ah.

“Soomaaliya waxey leedahay Dowlada haba itaal darnaate, marba marka xiga waxbaa ku darsoomayay nidaamka dowladnimada laga soo bilaabo shirkii Carta ilaa maanta, waa la is qaban karaa oo ma diidi karno inuu khilaaf jiro laakiin xaqiiqdii ma qaadan karno inuu khilaafku sababo in Dowlad dhisan la inkiro oo la isku dayo in mid kale la dhiso ama meel cidlo ah wadankii la dhigo ayey tiri Hodan.

“Dadka gobolada dhexe iyaga ayaa hada dhib ku jira oo dhul badan ay Al Shabaab ka heystaan, intii ay ku mashquuli lahaayeen bur burinta rajada guud ee Soomaaliya, waxaa igala quman iney ka wada hadlaan sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobalka, waxaan aaminsanahay iney iska diidi doonaan shirweynaha Qaran ee ay ku baaqeen madaxda maamulada ayey Hodan hadalkeeda ku dartay.

Xubno siyaasiyiin ah ayaa iyaguna aaminsan in madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ay qaadici doonaan shirkaas, si aaney magac xumo uga raacin arrintaan, sidoo kale lama hubo in shacabka Dhuusamareeb ay aqbali doonaan shirka noocaan ah.

W/Q: Mohamed Osman

Nairobi-Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this