Deeq A. Posted October 27, 2018 Waxaa guud ahaan xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee caaasimada Soomaaliya. Wadooyinkaasi waxaa subixii hore ee saakay la soo dhoobay ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo AMISOM. Wadooyinka xiran waxa ay kala yihiin Makka Al-Mukarama , Wadnaha , Wadda Sodonka iyo Warshadaha. Gaadiidka ayaa loo diidayaa in ay isticmaalaaan wadooyinkaasi iyaga oo isticmaalaya wadooyin qarda Jeex ah. Sababta loo xiray wadooyinka ayaa ah Muqdisho oo maanta ka furmayo shirka iskaashiga wadamada Islaamka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wadooyinka Muqdisho oo guud ahaan xiran appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites