Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan “Ciidamadu waxa ay noo qabanayan howl ay noo qabanweysay dowlada Dhexe”

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka maamul Goboleedyada ay hogaamin doonaan amniga Gobolada dalka.

Shariif Xasan, waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka la sameyn doono ay uga kaaftoomi doonaan kuwa dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolada.

Waxa uu sheegay in heshiiska rasmiga ah uu yahay in ciidamada ay dhisan doonaan ay xooga saari doonaan danaha maamul Goboleedyada, waxa uuna meesha ka saaray inay ku tashanayan dowlada Somalia.

“Sameynta ciidamada cusub waxa ay tijaabo u tahay ka kaaftoomida dowlada Dhexe, amniga gobolada waa mid inaga na khuseeya waxba kama khuseeya dowlada”

“Dowladu wey ka jawaabi weysay baahida ku aadan inay naga saarto Al-Shabaab, waxa aanu go’aansanay inaan ka kaaftoono baahida dowlada”

Sababta ugu weyn ee Ciidankaasi loo Aasaasayo ayuu ku sheegay in ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hoggaamiye Shariif Xasan ayaa wajahaya loolan adag oo dhinaca doorashada ah taas oo la filayo in ay dhacdo 17ka Bish November ee soo socota.

Geesta kale, musharrixiin badan ayaa ku qul qulaya Magaalada Baydhaba kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this