Deeq A. Posted October 27, 2018 Kal-fadhigii u dambeeyay ee Baarlamanka Puntland ayaa kooram la’aan u furmi waayay,,sida uu xaqiijiyay guddoonka golaha wakiilada. In ta badan xubnaha Baarlamanka ayaa ku kala maqan degaannada laga soo doorto,si ay mar kale kursiga u helaan,taasi oo sababtay kooram la’aan,sida uu sheegay guddoonku. Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa Puntland Post u sheegay in kooram la’aanta ay qeyb ka yihiin mudanayaal soo diyaariyay mooshin Dastuurka lagu furayo,balse markii guddoonku mooshinkaasi laalay iyguna diiday in soo xaadiran kal-fadhiga. Kal-fadhigan ayaan noqon lahaa kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland ee xil-hayntoodu dhammaatay,waxaana ajandihiisa ugu muhiimsanaa ansixinta miisaanadda saddexda bilood ee u horreeyay sannadka 2019. Miisaaniyaddaas ayaa mudnaan gaar ah u leh Puntland,maadaama ay tahay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyso saddexda bilood ee kala guurka ah(labada xukuumadood is-beddelayaan). PUNTLAND POST The post Muxuu u furmi waayay kal-fadhiga Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites