Sign in to follow this  
Deeq A.

9-ka koox ee hor-taagan nabadda Somalia (Kooxda 1-aad golaha shacabka)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hordhac

Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxalado iyo duruufo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Amni oo kala duwan. Tan iyo xiligii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu hogaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre, dalka waxaa hareeyey dhibaatooyin aad u faran oo dhaawac weyn u geysay magaca, sharafka iyo qiyamka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo burburayey xasiloonidii, nabaddii, adeegyadii bulshada iyo kaabakaayshii dhaqaalaha.

Inkasta oo caqabadaha hadda hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya ay aad u badan yihiin, islamarkaana ay taabanayaan meelo badan, waxaan maqaalkaan si kooban ugu soo bandhigayaa arrimaha aan isleeyahay waxay toorreey wadnaha ku taagan ku yihiin dowladnimada iyo soo celinta nabadda iyo maamul wanaag kahanaqaada Soomaaliya. Caqabadaha aan maqaalkaan ku xusayo ayaa waxay diiridda saarayaan arrimaha Baarlamaanka, Dowlad goboleedyada, Alshabab, Kooxaha Qaswadeyaasha ama Danleeyda, Dalalka shisheeye ee gacmaha kula jira arrimaha gudaha ee dalka, Ciidan-beeledyada/kooxaha iyo qabaa’ilka hubeysan, Fakhriga iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, Musuqmaasuqa iyo Arrimaha diinta.

Kooxda 1-aad: Baarlamaanka

Golaha baarlamaanka ee loo yaqaan ‘Golaha Shacabka’ oo ah laanta xeerdejinta iyo hay’adda xilligaan ugu awoodda badan saldhigna u ah dowladnima, ayaa noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Shirkii Carta ee sanad 2000 ayaa ergooyinkii ka qaybgalay waxay isku raaceen in Soomaaliya ay qaadato hanaanka dowladnimo ee Baarlaami ah (Parliamentary system of Government) taasoo soo doorta madaxweynaha dalka kadibna  madaxweynuhu magacaabo wasiirka kowaad (prime minster) kadibna baarlamaanku codka kalsoonida ku ansixiyo Ra’iisul-wasaaraha iyo golaha wasiirada oo uu soo dhiso. Xilligaas  ayaa dadkii soomaaliyeed iyo qolooyinkii caawinaayey waxay ansixiyeen in la qaato habka loo yaqaan 4.5 ee beeluhu  awoodda u wadaagaan. Waxaa xusid mudan in habka awood qeybsiga ee 4.5  ay sanadkii 1997dii isla ogolaadeen hogaamiye-kooxeedyo xiligaa ku sugnaa magaaladda Sodere ee dalka Ethiopa.

Tan iyo sanadkii 2000 ee la qaatay hanaanka baarlamaanka iyo beelaha ku dhisan, dalku wuxuu wajahayey dhibaatooyin fara badan oo curyaamiyey dhismaha iyo shaqadda hay’addaha dowliga ah iyo bixinta adeegyada asaasiga u ah nolosha dadka dhibaateysan ee shacabka  ah.

Inkastoo nidaamka baarlamaaniga ahi uu keenay in madaxweyneyaal isbedelaan iyadoon aaney dhicin dhibaato amni, haddana waxaa marag-madoonta ah inuu keenay xasilooni la’aan siyaasadeed oo joogta ah, qabyaaladdii aan laga xishoon, waddaniyadii oo dhaawacanta iyo musuqmaasuq dhib weyn u geystay sharafta iyo haybadda hay’adaha dowladda.

Hadaba, waa aragti maangal ah in aad isweydiiso sideed iyo toban (18) sano kadib waa maxay  dhibaatooyinka uu noo horseeday nidaamka beelaha iyo baarlamaanka ku dhisan?. Aniga aragtideyda waxaan qabaa inuu keenay:

    1. Qabyaad: In qabyaaddii hore noo burburisay ay sii xoogeysatay oo ay meesha ka saartay aqoontii iyo kartidii aan ku dooran lahayn hogaamiyaalkeena
    2. Xasiloon la’aan siyaasadeed: nidaamka baarlamaaniga ah wuuu keenay xasilooni daro siyaasadeed iyo mooshin (motion) joogta ah oo lagu rido xukumadaha, ama ugu yaraan la isku dayo xitaa haddii ay waxtar iyo howlkarnimo laheyd xukumaddu!
    3. Hogaamiyeyaal aan lahayn Karti iyo Aqoon: Maadaama baarlamaanku leeyahay awoodda keliya ee kalsooni siin karta ama kala diri karta xukuumadda, waxaa khasab noqotay in xildhibaanno aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn ay wasiiradda ugu muhiimsan noqodaan. Waxaa kaloo isla arrintn laga dhaxlay iney yaraato ama meesha ay ka baxdo isla-xisaabtan rasmi ah in lagu sameeyo xukumaddii, maadaama Wasiirkii lala  xisaabtami lahaa uu isla asagii Baarlamankii fadhiyo, kuna difaacayo howsha xukumadda.
    4. Musuqmaasuq: Nidaamka baarlamaaniga ahi wuxuu keenay musuqmaasuq baahay oo dhaawac weyn u geystay sharafta iyo haybadda xildhibaannada, wasiirada iyo saraakiisha sare ee dowladda. Waxaa caado noqotay in qof kasta oo xil doonaya lagu qiimeeyo awoodda jeebkiisa ee aan la eegin awoodda mugga maskaxdiisa,kartida qofnimo iyo dareenka shacabka uu matalo ka qabaan toona
    5. Horukac la’aaan wuxuu nidaamka baarlamaaniga ahi keenay in lagu jiro buuq iyo isqab-qabsi joogta oo keenay in hay’addaha dowladdu ay shaqadooda qabsan waayaan..
    6. Amni iyo Nabad la’aan: Maadaama ay hay’adihii dowladdu noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan tabar iyo tayo lahaynd, waxaa xoogeystay daneysiga iyo ku takrifal awoodda, taasoo keentay in nabaddii iyo amnigii uu curyaamo.La soco qeybta labaad oo ah: Dowlad goboleedyada, Insha Allah

W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this