Sign in to follow this  
Deeq A.

Juxa oo Baarlamaanka Puntland uga digay in aysan horseedin khal-khal amni iyo siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

 

JUXAA.jpg?resize=600%2C400&ssl=1Cabdi Faarax Juxa

Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ah Musharax Madaxweyne Puntlamd 2019 oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa ka hadlay hadal hayn ah in Baarlamaanka Puntland qorsheynayo in uu furo dastuurka.

Juxa ayaa sheegay in sharciga loo maro ka hadalka amuurtan weyn ee wax ka badelka dastuurka, laguna beego  wakhti iyo wacyi ku haboon, isagoo Baarlamaanka Puntland uga digay in aysan horseedin khal-khal amni iyo sayaasadeed xiligan kala guurka ah.

Sidoo kale Juxa ayaa hogaanka dhaqanka iyo siyaasadda Puntland ka cosday inay xil-weyn iska saaraan xasiloonidda dalka iyo wadajirka dadka, isagoo sheegay inay ka dhiidhiyaan hindisaha la sheegay in dastuurka lagu furi doono.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal hayn ah in Baarlamaanka iyo Xuluumaddu qorsheynayaan in dastuurka la furo, oo qaar kamid ah beelaha Puntland loo kor-dhiyo xubnaha ay ku leeyihiin Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Juxa oo Baarlamaanka Puntland uga digay in aysan horseedin khal-khal amni iyo siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this