Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustaqbalka iyo NOLOSHA adag ee dhallinta ka soo goostey AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan ahay nin ka tirsanaan jiray kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana ku biirey 20/11/2011, waxaana ka baxay oo aan ka soo tagay 10/5/2012, maxaan la kulmey maxaana iska key  badalay nolosheyda iyo qaab nololeedkeyga, iyo waliba nolosha dad badan oo ila midka ah.

Dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab, Runtii dhalintan waxay ka koobanyihiin da’ kasta lkn inta soo goosata waxaa u badan da’da 40 sano jir ilaa 50, wax yaabaha  keena inay ka soo goostaan ayaa intooda badan sababa shaki, daruuf,iyo qaar kale oo dana siyaasadeed isku soo dhiibo si ay u waxyeelaan maamulkii ay isku soo dhiibeen, kuwa daruufta keentey iyo kuwa shaki ay ka qaadeen in ay shabaab ka badbaadi doonin waa kuwo ugu nasiibka xun oo noloshooda noqota mid cabsi ku salaysan oo badbaadadoodu ay adagtahay.

Qofka marka uu isasa soo dhiibayo: qofka isasa soo dhiibaya wuxuu la soo xiriiraa dadkooda ama qaraabadiisa, si ay uga ergeeyaan maamulka ka dhisan halka uu rabo in uu isu soo dhiibo, maamulka ma diido inta badan way ogolaanayaan lakiin shuruudo ayaa jira oo laga rabo in qofka isasa soo dhiibayo la damaanad qaado oo hadhow wixii uu la yimaado si asaga loogu qabsado ama loo heho damaanad.

Marka qofka uu yimaado waxaa loo geeyaa Nabad sugida waxbay ka qoraan oo sawiro ka qaadaan, ka dib waxaa loo wareejiyaa meelaha lagu dhaqan celiyo, maalmo ka dib wuxuu soo dhexgalaa bulshadii uu ka mid ahaan jirey bulshada qaarkood way ka cabsadaan wayna iska ilaaliyaan, ayagoo ka cabsada in uu dhib  u soo jiido isasoo dhiibaha  ama kuwii ka soo tagay ay waxyeeleeyaan.

Runtii waxaa aad u adag inta si dhaqso ah laguu aamino walow ay dadka isku mid ahayn, hadana waxaa kuu dheer in labo aad kala doorato in aad maamulka aad isku soo dhiibtey aad la shaqayso, oo aad ka mid noqoto askarta ama nabadsugida, qaar way ogolaadaan kuwana way diidaan oo magaaladooda ayey iska galaan, qaarka ogolaadey waxay gestaan dhib aad u tiro badan, waxay sameynayaan in ayagoo qori wata oo hadana la socda qaar ka mid ah askartii uu ku biirey ayaa wuxuu bilaabayaa in uu sameeyo ismuujin iyo si loo aamino darteed in uu farmuuqo kuwo ay isla shaqayn jireen iyo kuwo iska abriya ah oon dambi lahayn, kaas wuxuu noqonayaa qof inta badan dheeftiisa ka badan dhibta uu u gaysto bulshada inteeda kale. la soco qaybta 2aad

W/Q: Maxamed Aadan Maskiinka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this