Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Xaalad siyaasadeed oo halis ah ayuu dalka galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo aan la qiyaasi karin halka ay ku dhammaan doonto, kadib go’aankii kasoo baxay madax goboleedyada.

Fiqi ayaa qoraal uu uga hadlayo go’aanka madax goboleedyada soo dhigay facebook. Hoos ka aqriso.

MADAXDA DAWLAD GOBOLEEDYADA OO GAROOWE KA SOO SAARAY GO’AANNO SAAMAYNAYA MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE DALKA.

Shirkoodii uga socday magaala madaxda Dawlad goboleedka Puntland mudadii u dhexeysay 20 – 24 Oktoobar 2018, waxaa ka muuqda in uu ka soo baxay go’aanno wax badan ka badalaya wixii horay u jiray, kana dhigan in madaxda Villa Soomaaliya si dhab ah looga tashaday, ayna ballaariyeen golahooda oo u muuqda in talooyinka soo socda iyo shirarkooda Danbe ay ku casuumeen waxgaradka Soomaaliyeed iyo Xisbiyada Siyaasadda dalka ka dhisan shir ay ugu magac dareen “Shirweyne Wadatshi Qaran ee Badbaadada Dalka”

Qodobada ugu Muhiimsanaan war-murtiyeedkii madaxda dawlad goboleedyada waxaa ka mid ahaa:

AMNIGA:
1. Qorshihii amniga Qaranka oo ay sheegeen in uu guul-darraystay & Golihii Amniga Qaranka oo ay xubnaha ka ahaayeen dawlad goboleedyadu oo si buuxda burburay.

2. Gole Amni Heer Dawlad goboleed oo bedel u noqda kii Amniga Qaranka oo la dhisay kaas oo ka shaqaynaya abuurista ciidamo isku dhaf ah oo dawlad goboleedyadu leeyihiin, oo buuxin doona booskii ciidankii dawladda dhexe laga sugayey in ay kaga qeybqaataan Amniga gobolada iyo la dagaalanka Alshabaab, oo la waayey.

SIYAASADDA:
1. Sii adkaynta ningaxii hakinta wada shaqaynta dawladda dhexe & in ay Qoorta u dhiibteen aqalka sare dhexdhexaadinta ay wadaan.

2. Waxay ifiyeen faragalinta iyo dhaqaalaha ay ku bixinayaan madaxda Villa Somalia burburinta Maamul goboleedyada.

3. Waxey shakki galiyeen Xeerar ay ka mid yihiin kan Betrolka oo aan haba yaraatee waxba lagaga darin waxyaabihii shirkii Baydhabo lagu heshiiyey, Xeerarka doorashooyinka iyo kan xisbiyada oo aan wadatashi ah lagala yeelan dawlad goboleedyada.

GARSOORKA & DASTUURKA:
1. Waxay ka digeen dhismaha guddiga adeegga garsoorka ayadoo dastuurka la hareer-marayo.

2. Dib u eegistii dastuurka oo ay tilmaameen in la afduubtay, taas darteed aysan aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa.

SHIRWEYNE WADATASHI QARAN:
waxey ku baaqeen in la qaban doono muddo bil gudaheed “Shirweyne wadatashi qaran ee badbaadada dalka oo ay xisbiyada iyo bulshada rayidka ah ku wehlin doonaa dawlad goboleedka”.

XISBIGA DAWLAD QARAN EE DAWLAD GOBOLEEDYADA:
1. Dhismaha Xisbi Qaran oo ay ku midaysan yihiin madaxda dawlad goboleedyadu oo magaciisii iyo guddoomiyihiisii la isku raacay.
Gabagabadii oo ay oo isbedel ku sameeyeen madaxdii Golahooda oo horey ugu heshiiyey in maamulka CIC uu noqdo meerto sanadle ah, apago iska dhex doortay
Guddoomiye iyo ku xigeen cusub oo CIC hogaamin doona sanadka soo socda.

Hadaba, waxaa muuqata in siyaasadda aamusnaanta iyo Isla-waynida ku dhisnayd ee madaxda Villa Soomaaliya ay dalkii sii kala geynayso, abuureena xaalad siyaasadeed oo cakiran oo aan la qiyaasi karin halka ay ku dhammaan doonto, laakin waxaa muuqda weli fursado xal loogu heli karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this