Deeq A. Posted October 25, 2018 Kal-fadhiga 42 aad ee Baarlamanka Puntland oo hore loo qorsheeyay in uu Khamiista maanta ah furmo ayaa baaqday,sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamanka. Kal-fadhiga ayaa u baaqday kooram la’aan,sida ay sheegeen xubnaha ku sugan Garoowe,iyadoo xildhibaannada badankoodu ay ku maqan yihiin degaannada laga soo doorto,si ay mar kale u helaan xubinnimada Baarlamanka. Ajandaha ugu weyn ee kal-fadhiga ayaa ah ansixinta miisaaniyadda saddexda bilood u horraysa sannadka cusub(2019),xilligaasi oo loo yaqaan”kala guurka” maadaama ay is-beddelayaan laba xukuumadood. Dhinaca kale waxaa fashil ku dhammaaday qorshay ay qaar kamid ah xildhibaannadu ku doonayeen in la furo Dastuurka,si loo kordhiyo xubnaha Golaha wakiilada ee haatan ah 66 mudane. Qorshaha ayaa fashilmay kadib markii guddoonka Baarlamanku diiday mooshin ay xubnahaasi u gudbiyeen oo ahaa in la furo kal-fadhi aan caadi ahayn oo wax looga beddelayo Dastuurka,sida ay Puntland Post u sheegeen ilo’ xog-ogaal ah. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo baaqday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites