Deeq A. Posted October 25, 2018 Shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo mudda 5 maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo. Shirka ayaa intii u socday looga hadlay qodobo ku saabsan amniga,Federaalis-ka,doorashooyinka,Khilaafka u dhexeeya madaxda Federaalka & dowlad goboleedyada iyo arrima kale,waxaana la filayaa in war-saxaafadeedka ka soo baxaya uu qodobada kor ku xusan diiradda saaro. Madaxda dowlad goboleedyada,Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa furitaankii shirkan si adag u dhaliilay hannaanka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku waddo siyaasadda dalka,iyagoo ku eedeeyay in ay duminayso nidaamka Federaalism-ka ee dalku qaatay. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la heshiiyay xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagu ka maqan shirka Garoowe uga socda madaxda kale ee dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Shirka GIDG oo maanta lagu wado in la soo geba-gabeeyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites