Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida Kenya oo lagu amray bixinta magta dadka ay dilaan AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa kulan labo maalmood ah oo ay kaga hadlayeen xagjirnimada iyo sida loo dhimi karo waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Maamullada Saddexda ah ee Gaarisa,Wajeer iyo Mandheera ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu xaqiijin karo amaanka saddexda Gobol oo ay AL-shabaab weerarro ka geystaan.

Inta badan weerarradaas waxaa ku dhinta dadka aan u dhalan degaanka oo ay beegsadaan AL-shababa,waxaana ay dhowr jeer dowladda Kenya Ciidamo badan geysay gobolladaas iyada oo aanay waxba iska beddelin ilaa hadda.

Kulanka Hoggaamiyayaasha ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ah in Dadka aan Muslimka aheyn ee lagu dilo degaankaas ay diyadooda bixiyaan dadka degaanka.

Arrintaas ayuu Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow ku sheegay in ay hoos u dhigi karto xiriirka dadka degaanka iyo Al-shabab.

Xubnaha ayaa isku raacay in qofkiiba laga bixiyo 1 Milyan oo lacagta Kenya ah,sidoo kale la sameeyo guddi isku dhaf ah oo dowladda kala shaqeeya xiriirka Bulshada,waxaan wasiirka amniga gudaha Fred Matiangi, la weydiistay in uu fasaxo in cafis loo fidiyo dadka ku jira Al-shabab ee doonaya in ay ka goostaan.

Waxaa kale oo la isku raacay in xogta ay bixiyaan dadka degaanka ee la xiriirta Al-shabaab aan la shaacin si aysan qatar u gelin nafta dadka la shaqeeya Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this