Maaddeey Posted June 20, 2010 Mid ka mid ah Fannaaniinta Caanka ah ee Soomaaliyeed xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis Magaalada Muqdisho Axad, June 20, 2010 (HOL) − Waxaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Siciid Mire Xaydar oo ka mid ahaa fannaantiinta caanka ah ee Soomaaliya, kaddib xanuun uu Isbitaalka ugu jiray dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay. Marxuum Siciid Mire Xaydar ayaa waxaa isla maanta lagu aasay Qubuuraha KM-13 ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu aasay Qabri ku dhow midkii Aabbihiis Mire Xaydar Cawaale oo horay ugu geeriyooday Muqdisho. Abwaan Max'ud Max'ed Sahal (Shiddo) iyo Abwaan Xasan Max'ed Max'ud (Jacayl) oo aqoon wanaagsan u lahaa Marxuum Siciid Mire Xaydar ayaa sheegay inuu ahaa fannaan qayb ka qaatay dhismaha kooxidii Heegan oo uu ka tirsanaa. "Marxuum Siciid Mire Xaydar wuxuu ku dhashay 1955-kii Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, wuxuuna ku koray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, isagoo sidoo kalena kusoo barbaaray Degmooyinka Xudur iyo Luuq, maadaama uu Aabbihii ahaa Askari" ayuu yiri Abwaan Max'ud Max'ed Sahal (Shiddo). Sidoo kale Abwaan Shiddo wuxuu sheegay inuu fanka Soomaliyeed kusoo biiray sannadkii 1971-kii isagoo kusoo baxay tartankii heesaha hirgalay oo uu ka qaybgalay, wuxuuna ku biiray Kooxda Heegaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Abwaaan Xasan Jacayl ayaa isaguna sheegay in Marxuum Siciid Mire Xaydar uu ahaa fannaan aad u cod wanaagsan, isla markaana lagu xusuusan doono heeso kala duwan oo uu ka tagay, wuxuuna xusay inuu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan. Tan iyo markii ay Soomaaliya gashay burburka waxaa dalka ku dhintay fannaaniin iyo Abwaanno fara badan oo ay ka mid ahaayeen: Xuseen Aw-Faarax Dubad, Cabdi Muxumad Amiin, C/lla Nuuradiin Axmed, Axmed Nuur Jaangow, Bashiir Ibraahim Cabdi, Xasan Diiriye Faarax, Habboon C/llaahi, Saafi Ducaale iyo Fannaankii kale. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 20, 2010 Allah ha u naxariisto ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted June 21, 2010 allaha unaxariisto marxuumka, danbigiisa dhaafo but why is maaddeey posting this? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted June 21, 2010 I didn't know I was restricted, xaa dhacay?. Nin Muslima oo dhintay, oo Soomaaliyeed soow maaha? Dhamaan fanaaniidinta Soomaaliyed ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo qaarkoda la Hadley idacaada Shabelle ayaa waxaa ay u tacsiyeeyeen geeraabadii Saciid Mire xeydar, waxaana fanaankasi uu caanka ku ahaa heesa dibacsan iyo kuwa nabi amaank ah inkastoo qaar kamid ah fanaaniintii ka hadashey geerida fanaanka ay sheegeen in mudooyinki danbe uu fanka ka fariistey. www.shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted June 21, 2010 dont mind me, i have suspicious mind lakin being you i thought your interest in fanaanin were very very limited Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted June 21, 2010 Allah yarxama. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 21, 2010 His timeless line is unforgetable. "Waloow dhaylo aad tahay oo hadana la dhaqankiyo Dhunkashada ku wacan tahay," Allah yarxama. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted June 21, 2010 oh ma isagaa qaada? indeed timeless classic Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted June 21, 2010 Murxuumka ilaahay ha u naxariisto. Eheladiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted June 21, 2010 ^Allaah u naxariisto. If any one of you could find a picture of the Fanaan(AUN) please share it with us. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 21, 2010 Originally posted by Abtigiis & Tusbax: His timeless line is unforgetable. "Waloow dhaylo aad tahay oo hadana la dhaqankiyo Dhunkashada ku wacan tahay," Allah yarxama. Aamiin. Waa runtaa A&T saaxiib S.M.X. (AUN) heeso iyo cod si gaar ah loo tilmaami karo ayuu lahaa. Hawl-wadaagta Bari Wardhiigleey agteediyo Hodan waaxyaheediyo Derbiyo isku waabkii Ma illowdey wacadkii sadarro ka mid ah heestii Warmoogeey Naftaydaay oo sida miraga laga dhadhansan karo uu hoobalku uu naftiisa ku canaanayey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 21, 2010 ilaahay ha u naxarito eheladisana sabar iyo iman haka siiyo. Dunidu wa labo galin. Ilaahay inteena nool xaqa hanawafajiyo. salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites