Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowlada oo Suuqa Bakaaraha ku Qabtay Burcad dadka dhacayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saaka suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxa ay ka sameeyeen howlgalo.

Howlgalkaasi ayaa waxa ay ku baacsaneeyeen kooxo burcad ahaa oo dadka saakay ku dhacayay Suuqa bakaaraha ee Muqdisho.

Dadka ayaa ku soo wargaliyay burcadaan xili ay dhacayeen dadka waxaana goobta durba soo gaaray ciidamo katirsan kuwo dowlada Soomaaliya.

Burcada ayaa tiradooda waxa ay gaarayeen ilaa 3 ruux ciidamada dowlada ayaa qabtay labo ruux oo mid kamid ah ay dhaawaceen halka ruuxii kalena uu baxsaday.

Dadka ku dhaqan Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha kale ee Muqdisho ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay ka cabanbayeen dhibaatooyin ay u geeystaan kooxo burcad .

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamada Dowlada oo Suuqa Bakaaraha ku Qabtay Burcad dadka dhacayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this