Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Soomaaliya 2020 iyo khiyaamada loo dhigayo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

SAWIR-DOORASHAO.gif?resize=600%2C400&sslSoomaaliya waxaa la qorsheeyay in doorasho ka dhacdo dhammaadka sanadka 2020, taas oo nooceeda lagu sheegay nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (proportional representation-closed list) ama PR.

Habkan doorasho waxaa ku heshiiyay Golaha amniga Qaranka Soomaaliya oo ka kooban madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay 3-5 Juun 2018, wuxuuna ahaa heshiis aan xog badan laga siin shacabka.

heshiis-doorashada1.jpg?resize=700%2C988 heshiis-doorashada2.jpg?resize=700%2C108

Muxuu yahay nidaamka PR ee qaadatay Soomaaliya 2020

Nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (PR), waa nidaam xisbi ah oo la doorto Baarlamaan, waxaana wax lagu doortaan dalal badan oo dunida kamid ah oo qaarkood ay ka jiraan qalalaase iyo kuwo horey maray, balse kan ay hadda qaadatay Soomaaliya 2020 waa ka duwan yahay kuwaas, sida ay ogaatay PUNTLAND POST.

Waa nidaam ku salaysnaan doona nidaamkii hore qabiiliga ee afar iyo bar (4.5), waxaana beeluhu sidii hore u qeybsan doonaan 275 Xildhibaan oo ay ku tartami doonaan dhowr xisbi, waxaana xisbiga hela kuraasta ugu badan uu ku guuleysan doonaa doorashada, waxaana si toosa Madaxweyne u noqon doona qofkii ay xisbigaasi u wateen musharaxa Madaxweynaha.

Iyadoo nidaamka la qaatay sidaas yahay, ayaa haddana waxaa ku jirta khiyaano ah in la rabo lagu saleeyo doorshado deegaan qof iyo cod ah, waxaana 275 kursi oo ay ku tartamayaan xisbiyo u codeyn doono meelaha nadaba ah tiro dad ah oo qiyaastii u dhexeysa 100 ilaa 1000 qof, halka meelaha aan amniga ahayn iyo Somaliland ay kursi kasta u codeyn doonaan tiro dad ah oo qiyaastii aan ka badnayn 50 ilaa 100 qof, waxayna doorashadan ay aad ugu ekeen doontaa doorashadao hore 2017 oo loogu magacdaray “doorasho dadban” oo ku salaysnayd nidaam beeleedka 4.5.

Sidoo kale nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay 2020 ayaa Golaha aqalka sare ee Baarlaamka oo ah 54 kursi, uu ku saleysnaan doonaa 18-ka gobol ee Soomaaliya.

Dowlad goboleedyada oo dafiray heshiiskii doorashada ee Baydhabo

Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ku heshiiyay doorshado noocaas ah in ay dalka ka dhacdo 2020 ayaa hadda waxaa jira khilaaf xoogan oo hadda u dhexeeya labada dhinac oo sameeyay heshiiskaas.

Maalin ka hor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirka Garowe uga socda madaxda dowlad goboleedyada ka sheegay in heshiiski Baydhabo ee doorashooyinka uu ahaa mid mabda’a ee aysan ahayn mid heshiis laga gaarey, isagoo intaas raaciyay in cid gooni ah aysan go’aan ka gaari karin doorashada 2020.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa horey u dhaliilay shaqada ay wato Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khamiistii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ka codsadey in khamiista dambe la meel mariyo xeerka doorashada, si loogu gudbiyo Baarlamaanka oo la dardargeliyo doorashada 2020 ee lagu heshiiyay shirkii Baydhabo.

Shuruud ku xiran Doorashada 2020

Waxaa horey u jiray heshiisyo ay wada galeen Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la galay 2012 iyo 2016, waxayna qeexayeen in nidaam beeleedka 4.5 aan mar dambe lagu soo noqon.

Heshiisyadii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee 24 December, 2011 iyo 17 February, 2012 ayaa Puntland iyo dowladii dowladdii KMG ahayd ku kula saxiixdeen heshiis si cad u qeexayay in nadaamka 4.5 ku eg yahay doorashadii 2012, waxaana saxiixay madaxda dowladdii KMG ah, laba maamul goboleed oo markaas dalka ka jiray oo Puntland iyo Galmudug ahaa iyo Ahlu Sunna wal Jameeca, waxaana wax ka saxiixay Qaramada Midoobay.

Garowe2.jpg?resize=600%2C450&ssl=1Heshiiskii Garowe 2, 17 February, 2012

Heshiiskaas waxaa lagu jebiyay shirkii Wadatashiga Qaran ee madaxdii dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ku yeesheen Muqdisho bishii Janaayo 2016, kaas oo lagu go’aamiyay qaabka ay u dhacayso doorshadii dadbanayd ee lagu saleeyay nidaamnka 4.5, waxaana go’aankaas xiligaas ka hortimid Puntland oo xasuusan heshiiskii 2012, wuxuuna Madaxweyne Gaas xiligaas sheegay in dowladdiisu aysan aqbali karin in mar kale lagu laabto nidaamka beeleedka 4.5.

Go’aankii diidmada ee Puntland Janaayo 2016 ka qaatay nidaam beeleedka 4.5, waxaa si weyn ugu taageeray xiligaas siyaasiyiinta iyo shacabka, waxayna muddo diidanayd Puntland nidaamkaas, balse gorgortan dowladdii federaalka iyo beesha caalamku la gashay ayay ugu dambeyn Puntland ku qaadatay nidaam beeleedka 4.5.

Gaas-iyo-CUMAR-HESHIIS.jpg?resize=600%2Cheshiiskii Garowe 3 April 2016

Heshiis ay dowladda Federaalka iyo Puntland ku kala saxiideen Garowe 3 April 2016 ayaa lagu heshiiyay afar qodob oo mid kamid ah uu qeexayay in nidaam beeleedka 4.5 aan mar dambe lagu dhaqmi doonin wixii ka dambeeya 2016, heshiiskaas waxaa hirgalintiisa damaanad qaad buuxa ka ahaa urur goboleedka IGAD, halka ay markhaati ka ahaayeen Qaramada Midoobay, ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

1-6.jpg?resize=550%2C778&ssl=1 2-8.jpg?resize=550%2C778&ssl=1 3-6.jpg?resize=550%2C778&ssl=1 4-5.jpg?resize=550%2C778&ssl=1 5-3.jpg?resize=550%2C778&ssl=1

Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo xiligaas Puntland u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in aanay saxiixin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dambeeya 2016-ka.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Codka-Madaxweynaha-ee-Heshiiska.mp3

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii dowladda federaalka ee xiligaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhanka federaalka u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid faa’iido wayn u leh guud ahaan umada Soomaaliyeed, Xukuumadan mida xigtana ay imaanayaan Baarlamaan ku yimid rabitaanka shacabka, sidoo kale ayuu sheegay in  Puntland ay tiir dhexaad u tahay umada Soomaaliyeed tanaasulka ay samaysana uu yahay gunaanadka nidaamka doorashada Soomaaliya in mar dambe lagu saleeyo 4.5.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/R.wasaare-Cumar-Cabdirashiid.mp3

Waa hab-dhaqan siyaasadeed oo lagu yaqaano madaxda Soomaalida in aysan fulin heshiisyadii horey loo galay, iyagoo ka fakara nidaam ay mar kale dib ugu soo noqdaan, waxaana hadda dadka siyaasada Soomaaliya ka faallooda sheegaan in madaxda dowladda federaalku wado qorshe ay ku hogaaminayso nidaamka doorasho ee 2020, si ay talada dalka mar labaad ugu soo noqdaan.

Sdoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo kamid ah Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ee shirkii Baydgabo ku heshiiyay nidaamka doorasho 2020 ee aan kor ku soo sheegnay, horey uga mid ahaa saxiixayaashii heshiisyadii Puntland iyo federaalka, ayaa la aqoon u jeedada uu uga hor iman waayay nidaamkan iyo waxa uu ku qaatay midna.

Xagee ka yimid nidaam beeleedka 4.5

Nidaam beeleedka ku salaysan 4.5 waxay Soomaalidu qaadatay shrikii Carta 2000, waxaana la sheegaa in nidaamkaas uu yimid Madaxweynihii hore ee Itoobiya Meles Zenaw oo xiligaas Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuuti ka cosday in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo, isla markaana ay Jabuuti meel marisay.

Meles Zenaw waxaa la sheegay in xiligaas uu beelaha Soomaaliya qaar kamid ah ka lahaa dano gaara, waxaana gobolada qaar joogay ciidamda Itoobiya oo gacan siinayay maleeshiyo beeleedyo.

Laga soo billaabo Baarlamaankii lagu dhisay Carta 2000, lagu xijiyo kii lagu dhisay Kenya 2004 oo haddana lagu kabay mid kale shirkii Jabuuti 2009, kii lagu dhisay Muqdisho 2012 iyo kan hadda jira ee ee la dhisay 2016 dhamaantood waxay ku salaysan yihiin afar qabiil oo kuraasta u qeyb saday si siman iyo qabaa’il la isu geeyay oo la siiyay kala bar kuraasta afarta qabiil mid kasta oo kamid ahi uu qaatay.

Nidaam beeleedka 4.5 waxaa ku dulman beelo badan oo Soomaaliyeed, halka beelo kalana ay ku wataan sad bursi dheeri ah, mana ahan mid caddaalad ku salaysan.

PUNTLAND POST

GAROWE

The post Doorashada Soomaaliya 2020 iyo khiyaamada loo dhigayo Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this