Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh MAXAMUUD “Nin daad qaaday XUMBO cuskey”

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanadkii 2010, ayaa siyaasadda Soomaaliya lagu bartay Xasan Sheekh Maxamuud, kalkaas oo uu sameeyay xisbi la oran jirey Nabadda iyo Horumarka ee PDP, doorashadii madaxtinimada dalka 2012 ayuu si laga filaan ah u noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Muddadii afarta sano aheyd oo uu dalka majaraha u hayay, ayaana dadka Soomaliyeed si weyn u barteen shakhsiyadda Xasan Sheekh Maxamuud, damqasho la’aan, mayil adeeg, kooxeysi, musuq maasuq iyo talada oo la  isku soo koobo.

Afartii sano ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa, Xasan Sheekh Maxamuud, arrinta sida weyn loogu xasuusto ayaa waxaa kamid aheyd in mushaxaarka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada uu doorasho ku galay isla markaana uu ku hungoobay.

Dadka la socda arrimaha Xasan Sheekh, waxaa kale oo ay sheegaan in xaasaskiisa muddadii uu xilka hayay ay hanti boob aad u bahsan ay geysteen ayagoo isticmaalaya magaciisa taasina dhaxalsiisay in guri kasta oo magaalada laga dhisayo dadka ay u nisbeeyaan in ay xaasaskiisa ay dhisanayaan.

Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa loo aaneeyaa in ay sabab u ahaayeen guul daradii ka soo gaartay doorashadii 8 February oo Farmaajo lagu duubay, taas oo daliil u ah in sumcadiisa siyaasadeed ay aad u hooseyso.

Dhismaha Lixdii gobol

Markii shacabka Koofur Galbeed ee dega lixda gobol; Jubada hoose, Jubada dhex, Gedo, Bakool, Shabeelaha hoose iyo Bay ay go’aansadeen in ay sameystaan maamul kamid noqoneya federaalka dalka ka hana qaaday, dowladdii uu madaxa ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uul ka aheyd in la hor istaago rabitaanka ummaddaas.

Muddo bilo ah ergo dal iyo dibad ka kala timid, ayaa Baydhabo fadhisay, isla markaana ku howlanaa dhismaha maamulkaas, iyadoo ilaahay ka sokow taageerada shacabka goboladaas lagu dhisay maamulkii lixda gobolka.

Dowladdii Xasan Sheekh ayaa maamul gacan ku rimis ah isla markaana juujuub ah u soo waariday magaalada Baydhabo, kaas oo sadex gobol ah, halka sadexdii kale Xasan Sheekh iyo teamkiisa ay u saxiixeen nin xoog ku qabsaday deegaanka, taas oo ka soo hor jeeda nidaamka federaalka oo ah in qof kasta talada deegaankiisa uu isaga leeyahay.

Been abuur

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan hadal been abuur ah isla markaana u muuqday mid ula kac ah meel ugu dhacay sharafta qof muwaadinka musharax madaxweynaha Koofur Galbeed, Mukhtaar Roobow Cali, oo uu ku sheegay in uusan wali ka tanaasulin Al-shabaabnimada isla markaana aan kala cadeyn mowqifka Roobow ee Alshabaab.

Mukhtaar Roobow Cali, ayaa meel fagaare ah oo dhammaan saxaafadda gudaha iyo dibadda xaadir yihiin ka sheegay in Alshabaab isaga baxay muddo dhowr sano ka hor ah isla markaana aanu kamid aheyn kooxdaas, waxaana Roobow u markhaati kacay isla kooxda Xasan Sheekh uu ku tilmaamay in Roobow uu wali kamid yahay ee Alshabaab.

Maxaa ku kalifay been abuurka?

Xasan Sheekh, waxaa uu hadda dhistay xisbi  siyaasideed, waxaana haya hunguri xukun doonimo ah doorashada qorsheysan 2020/21, maadaama doorashadaas lagu saleyn doono deegaan doorashada Koofur Galbeed ayaana kamid ah meelaha uu rabo in uu ka kaluumeysto isagoo adeegsanaya magac u yaal deegaanka ka soo jeeda.

Taageerada Roobow ee xawliga ku socoto ayaa cabsi gelisay damaca siyaasiga  ee Xasan Sheekh, maadaama Roobow aanu ku ogeyn in uu fulinayo ajendahiisa guracan, sidaa awged waxaa uu doorbiday   in uu sumcad dil ku sameeyo isagoo isticmaalaya hadal been abuur ah oo raqiis ah.

Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo madaxweynaha jamhuuriyadda soo noqday lagama filaneynin in uu ku hadlo hadalo daciifnimo ka muuqata isla markaana muwaadin Soomaali ah ugu gefayo, waxayna dadka Soomaaliyeed fahamayaan xaqiiqada Xasan Sheekh iyo sida aan sinaba loogu aamini doonin xil umadeed.

Dacwad maxkamadeed

Maadaama, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka been abuurtay Mukhtaar Roobow, waxaa u furan Roobow in uu maxkamadda la tiigsado,  isla markaana uu istaahilo in la soo golo joojiyo, maxaa yeelay waxaa uu sameeyay waa sumcad dil qorsheysan oo lagu soo beegay xil xasaasi ah.

Dastuurka KMG ayaa damaanad qaadaya in muwaadinta  sharaftiisa lagu xadgudbi Karin ciddii sameysana ay tahay dambiile. Sidaa darteedna Xasan Sheekh uu hadda yahay eedeysane.

Sanad iyo dheeraad, ayaa laga joogaa markii Robow uu dowladda ku soo biirey, Xasan Sheekh muddadaas muxuu la aamusanaa? Ma ogeyn miyaa in Roobow dowladda la heshiiyay? Jawaabta waxaa ay tahay intaas uu ogaa laakiin damaciisa siyaasiga ah ayuu ka dhawaajiyay xilligan, oo lagu sifeyn karo wakhti xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Waxa u furan Xasan Sheekh

Haddii maan fiyow oo Soomaalinomo iyo islaanimo ay ku jirto leeyahay, waxaa u furan in uu raali gelin deg deg ah sameeyo isla markaana cafis weydiisto shacabka iyo musharaxooda Mukhtaar Roobow, maadaama dadka Koofur Galbeed ay yihiin kuwo is cafinta iyo isa saamaxa ku wanaagsan waxaa rajaynaa in odeyga ay ka wareersan tahay aanu la tirsan doonin.

Waxa la gudboon shacabka Koofur Galbeed

Sida muuqata waa weerar qaawan oo  huwan dano qabiil iyo mid siyaasadeed oo ka dhan ah danaha shacabka dega Koofur Galbeed, waxa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan filada daan daansiga ah oo lagu majaxaabinayo rabitaankooda iyadoo la adeegsanayo warar kutiro kuteen ah oo loogu gol leeyahay in hoos loogu dhigo sharafta siyaasiyiinta wata ajendaha lagu horumarinayo dadka iyo deegaanada Koofur Galbeed.

Siyaasiyiinta uu Xasan Sheekh, kamid yahay waxaa ay rabaan in deegaanada Koofur Galbeed uusan ka soo bixin qof lid ku ah rabitaankooda siyaasadeed, haddaba, maadaama sidaa tahay  shacabka Koofur Galbeed gaar ahaan taageeriyaasha Mukhtaar Roobow ka tusaan in ay yihiin dad masiirkooda siyaasadeed, mid deegaan iyo dhaqan dhaqaaale ayaga ka aramin kara xilli kasta iyo meel kasta.

Dadkii u gefay reer Koofur Galbeed

C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa dhowaan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka sheegay in kooxda Daacish ee deegaanadaas ka dagaalanta ay ka yimaadeen magaalooyinka Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba ayagoo sida uu ku sifeeyay wata kabo dacas ah.

Markii warkaas ku baahay warbaahinta bulshada falcelin baaxad leh ka dib, C/weli waxaa uu ku qasbanaaday in uu af labadii dhawaaqo isla markaana raali gelin bixiyo.

Dhowaan, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda, Maxamuud Xayir, fadhiya golaha shacabka Soomaaliya ayuu hadal jees jees ah ka yiri isagoo quursanaya luuqada Maayga.

Durba hadal heynta arrintaas ayaa mar qura baraha bulshada qabsatay, 24 saac gudahood waxaa uu ku ku dhawaaqay in uu ka raali gelinayo hadalkaas dadka ku hadlay luuqada Maayga isagoo ka jilcan maalintii hore.

Waxaa qoray: Nuur Xuseen Maxamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this