Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku xigeenkii Daacish ee Puntland oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay BBC ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin, lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

Isha ugu weyn ee warka ay BBC ka heshay ayaa ah dad ehel la ah Mahad oo sheegay in lagu dilay Muqdisho muddo iminka todobaad laga joogo.

Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano” ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin.

Waxay intaa ku dareen in meydkiisa oo aan la garan laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay.

Isla arrintaas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan sirdoonka maamul goboleedka Puntland oo sheegay in taariikhda dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan xogta ay BBC siiyeen eheladiisa.

dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday. Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo” ayey yiraahdeen ilahaas ka tirsan sirdoonka Puntland.

Mahad Macallin iyo ninka lagu edeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Xuquuqda warbixinta: BBC Somali

The post Ku xigeenkii Daacish ee Puntland oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this