Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa horay usoo bilaabay shirqoolkii lagu dilay Jamaal Khashoggi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in bilo ka hor inta aan Jamaal Khashoggi lagu dilin Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul uu casuumaad ka helay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Mareykanka Amiir Khalid Bin Salmaan.

Amiir Khalid oo ay wada dhasheen dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa casuumaadiisa Jamaal Khashoggi ula gol lahaa sida uu uga dhaadhicin lahaa dib ugu laabashada dalka Sacuudiga.

Ujeedooyinka qarsoona ee Safiir Khalid ayaa ahaa in Jamaal Khashoggi uu lugihiisa ku tago Sacuudiga sidaana lagu khaarijiyo, waxa uuna shirqoolka ahaa mid uu albaabada usoo furay Amiir Khalid.

Seddex qof oo ka war hayay kulanka oo la hadlay muuqaal baahiyaha NBC , ayaa sheegay in kulanka Khalid Bin Salman iyo Jamaal Khashoggi ay dhaceen dabayaaqadii sanadkii hore ama bilowga sanadkan.

Safaarada Sacuudiga ee Mareykanka ayaa dhankeeda ka xaqiijisay inuu dhacay kulankaas u dhexeeyay Bin Salman iyo Jamaal Khashoggi, waxa uuna qorshuhu ahaa sida Jamaal Khashoggi dib loogu celin lahaa magaalada Riyadh.

Saacado kadib Madaxweyne Rejjab Thayib Erdogan  ayaa la filayaa inuu ku dhawaqo natiijada Isaga oo horay u balan qaaday in maalinta talaadada ah ee maanta ku began uu si rasmi ah u soo bandhigi doonan natiijada dilka Jamal Khashoggi.

Geesta kale, afhayeenka Madaxtooyad Turkiga oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa sheegay in arinta natiijada ama dilka Khashoggi uusan aheyn mid khuseeya Turkiga ama Sacuudiga, balse uu yahay arrin caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this