Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo dib uga qarxay tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus ayaa haatan dib uga qarxay tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda oo ay shalay ku dagaallameen malayshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo wada-dega koonfurta gobolka Sool.

Dadka ku sugan dhulka miyiga ah ee ku teedsan tuulada Dhummay ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan dhawaaqa hub culus oo ka yeedhaya jiidda uu dagaalku ka socdo ee nawaaxiga degaaankaasi.

Sidoo kale gurmad ciidan ayaa kala gaaraya labada dhinac,waxaana adag in la ogaado khasaaraha ilaa iyo hadda ka dhashay dagaalka saaka dib u qarxay.

Dhinaca kale khasaaraha dagaalkii shalay ayaa sii kordhayaa,sida ay sheegayaan ilo-kala duwan oo ay kamid yihiin shaqaalaha caafimaadka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ilaa 59 ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen dagaalkii shalay,halka in ka badan 90 kale ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Dagaal culus oo dib uga qarxay tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this