Deeq A. Posted October 23, 2018 Wararka Talaadada saaka ah ka imaanaya degaanka Dhummay ee gobolka Sool oo shalay dagaal culus ku dhexmaray laba beelood ayaa sheegaya in uu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka magaalada Laascaanood ayaa Puntland post u xaqiijiyay in khasaaraha dagaalkii shalay uu kordhay ilaa 59 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca in ka badan 90 kale. wararku waxay kaloo sheegayaan in khasaaruhu intaas ka sii badan karo,maadaama dagaalka xooggiisu ka dhacay dhulka miyiga ah oo aan xog sugan laga heli karin. Xaaladda degaannadii shalay lagu dagaallamay ayaa saaka deggan,waxaana socda dadaal ay wadaan cuqaasha iyo isimada gobolka Sool oo lagu kala qaadayo malayshiyaadkii diriray oo weli halkaasi isku’ hor fadhiya. Wixii kasoo cusboonaada kala soco:Puntland Post The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Dhummay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites