Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay kicinta dagaal u dhexeeya laba beelood oo saaka dib uga qarxay tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale baaq-nabadeed loogu diray beelaha halkaasi ku dagaallamaya,waxaana qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland xukuumaddu ka codsatay in laga qeyb qaato joojinta colaaddaas.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaalka halkaasi ka dhacay,sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararku waxay sheegayan in malayshiyaadkii dagaaallamay ay weli is-hor fadhiyaan,lagana cabsi qabo in mar kale dagaal dhex maro.

FB_IMG_1540218000288.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this