Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kal-fadhiga Baarlamanka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kal-fadhiga 42 aad ee Baarlamanka Puntland ayaa furmaya todobaadkan maalinta Khamiista ah ee ku beegan 25 bishaan October.

Fadhigan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Golaha wakiilada Puntland ee wakhtiga xil-hayntoodu sii dhammaanayo,iyadoo ay haatan socoto xulista xubnah Baarlamankii beddeli lahaa.

Xildhibaannada wakhtigu ka sii dhammaanayo ayaa badankoodu u xusul-duubaya sidii ay mar kale ku soo noqon lahaayeen,waxaana qaarkood ku maqan yihiin degaannada laga soo doorto.

Xildhibaan Maxamed Axmed Jeceel oo ka tirsan mudanayaasha xilkoodii dhammaaday ayaa Puntland Post u sheegay in kal-fadhigaan lagu anisixin doono miisaaniyadda saddexda bilood ee u horraysa sannadka cusub 2019 taasoo uu ku tilmaamay shaqada ugu muhiimsan ee hortaalla.

Mudane Jeceel wuxuu intaas raaciyay in mudanayaasha hadda jooga aysan awood u lahayn, ka doodista arrimo khuseeya masiirka dalka,maadaama ay xil-haytoodii dhammaatay,ayna socoto xulista xildhibaannadii beddeli lahaa.

PUNTLAND POST

The post Ajandaha ugu muhiimsan ee kal-fadhiga Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this