Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Garoowe oo lagu soo jeediyey in maamullada ay sameystaan ciidamo isku jira (Waa maxay qorshaha?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay Shirka Golaha iskaashiga ee Dowlad Gobaleedyada ee Ka soconaya magaalada Garoowe  ayaa ka hadlay amniga, waxaa uuna sheegay in Dowlad Goboleedyada looga baahan yahay in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah.

Ciidamadan ayuu Sheegay Madaxweyne Xaaf sidee ay ula dagaalame lahaayeen Al-Shabaabka ku sugan Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan deegaanaa galmudug ayuu aad ugu dheeraaday, waxaa uuna eedeyn u jeediyay Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Garoowe ayaa waxaa ka soconaya Shirka ay leeyihiin Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada dalka ka jira, kaasi oo yimid xilli Cadaado lagu doortay madaxweyne labaad ee Galmudug ay yeelatay.

Golaha iskaashiga madax goboleedyada ayaa ka hor-yimid doorashadaas shalay dhacday magaalada Cadaado ee xildhibaanada Gamudug ay Axmed Baasto ugu doorteen madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this