Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso Axmed Madobe “Waxaa jirta arrin Shabaab iyo DF ka dhaxeyso oo ay dowlad kale ka dambeyso”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa aad ku dhaliilay Dowladda Soomaaliya in ay qaadi la’adahay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaa oo looga saarayo guud ahaan dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegaya inay si hoose wax ugu socdaan dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, taasina laga yaabo inay tahay sababta aysan dagaal ugu qaadeyn.

Waxa uu sheegay in si la mid ah kooxdii Sheekh Shariif ee heshiiska la gashay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, ay dowladda Eritrea ka dhex shaqeyneyso dowladda federaalka iyo Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo ka qeybgalaya Shirka Madaxda maamul goboleedyadda oo ka furmay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa isweydiiyay macquul ahaanshiyaha in dowladda Soomaaliya ay wadahal kula jirto Al shabab, oo ay garwadeen ka tahay Ertriea si lamida kooxihii la oran jiray Muqaawamada ee dalka soo maray.Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in ay qorsheynayaan in ay qaadeyso weeraro ka dhan ah Al shabab, oo la doonayo in looga qabsado deegaanada iyo degmooyinka ay dalka kaga sugan yihiin.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, oo ku sugan Kismaayo ayaa Sheegay in Sanad gudahiis ay ku qorsheynayaan Al-habaab in looga saaro degaanada iyo degmooyinka oo ay dalka ka joogaan.

Hoos ka dhageyso Axmed Madoobe

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Axmed-Madoobe.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this