Cowke Posted June 21, 2010 Degmada Burtinle waa degma weyn ay hoos timaado 23 tuulo oo ay iyadu xukunto. Degmadu malah Isbitaal iyo bukaan socod eegto midna, sidaa darteed reer Burtinle waxay go'aansadeen in ay isku tala galaan ayagoo kaashanay ALLAHA WEYN iyo dadkooda kuwa jooga dalkooda iyo kuwa jira Dibada. Waxay u howl galeen dhismihii isbitaalka waxyana iska aruuriyeen lacag gaaraysa USD $ 12,000 iyagoo ku tala gashan inay sii wadaan qorshaha uruurinta lacagta inta ay hadafkooda ka gaarayaan, waxaa dhamaaday darbigii kore oo joogiisu dhan yahay 2mitir sidaa sawirka ku arki doontaan dhulka isbitaalka baaxadiisu waa 70x45mitir oo hadda la wareejiyay dhamaan iyado la qorsheeyay in lagu daro mustaqbalka 70x25 mitir cabirkaas oo hadda banaan. Kharashka dhismaha isbitaalka waxaa lagu qiyaasay Qeybta 1aad waa:- 157,525.26 USD Qeybta 2aad waa:- 100,000.00 USD Qeybta heerka dhamaystirka isugayn wuxuu noqonayaa 257,525.26 USD xubnaha Guddiga Howsha masuulka ka ah waa sidan hoos ku qoran:- Guddiga Dhexe 1. Bashiir Axmed Biixi Guddoomiye 2. Macalin Sh. Cabdullaahi Sh. Maxamud G/kuxigeen 3. Maxamed Yuusuf Jaamac Xoghayn Guddiga dhaqaale aruurinta 1. Faarax Salwe Maxamud Guddoomiye 2. Cabdirisaaq Warsame Guure G/Kuxigeen 3. Cabdinasir Maxamuud Mire Xisaabiye 4. Cabdullaahi Khaliif Faarax Khasnaji 5. Cabdullaahi Cali jaamac Xubin 6. Cabdullaahi Warsame jaamac Xubin 7. Saacid Cumar Xuseen Xubin 8. Cabdullaahi Jaamac CIsmaan Xubin 9. Cabdirisaaq Faarax Dhaashane Xubin Guddiga Dhismaha 1. Cabdullaahi Yuusuf Cagdheer Guddoomiye 2. Cabdiqaadir Daahir Xubin 3. Shiine Sh. Maxamuud Xubin Guddiga Xiriirka 1. Faarax Salwe Maxamuud 25290757487 2. Cabdirisaaq Warsame Guure 25290794514 3.Cabdullaahi Cali Jaamac 25290756069 4. Maxamed Yuusuf Jaamac 25290792026 N:B Ciddii Doonaysa in ay la soo xiriirto fadlan ha wacaan telfoonada iyo magacyada kor ku xusan. KU *** LACAGT AAD KAGA QEYB QAADANAYSID DHISMAHA XARUNTA CAAFIMAADKA BURTINLE ADEEGA SAHAL EE 438585 WAXAAN KA CODSANAYNAA DADKA DIBADA JIRA OO U DHASAHAY DEEGAANKAAN IYO CIDDII KALE OO SAMAFALKA KHAYRIGA KA QEYB QAADANAYSA IN AY GACAN NAGA SIIYAAN HOWSHA BALAARAN EE ISBITAALKA BURTINLE LAGA DHISAYO. WABILAAHI TOWFIIQ WWW.ALLPUNTLAND : WAXAAN IDINKA CODSANAYNAA INAAD SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AAD UGA QAYB QAATA INAAD DADKA U SOO BANDHIGTAAN Quote Share this post Link to post Share on other sites