Deeq A. Posted October 21, 2018 Koox hubeysan ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliiska Galmudug. Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Hal qof uu ku dhintey weerarkan iyadoo sidoo kalena ku dhaawacmay qof kale. Weerarkan ayaa yimid kadib markii la sheegay muran soo kala dhexgalay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada halkaasi ku sugnaa. Saraakiil u hadashay Booliiska Galmudug ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan raggii weerarkaasi soo qaaday, laguna hayo saldhigga magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites