Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo go’doomiyey deegaano muhiim u ah DFS & Weeraro laga cabsi qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay go’doomiyeen deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyaadkan ayaa lasoo sheegayaa inay wataan hub iyo gaadiid badan kuwaa oo doonaya qalqal galinta degmada Qoryooley, sida ay sheegen mas’uuliyiinta maamulka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmadaasi Maxamed Cabdi Gaashaan ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay go’doon ku hayaan deegaano dhowr ah.

Maxamed Cabdi Gaashaan, waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay deegaanadaasi qaar biyaha Wabiga kusoo fureen, sidoo kalena qaarkood ay diideen in la galo ama laga soo baxo.

Waxa uu intaa raaciyay Guddoomiye ku-xigeenka in maleeshiyada Al-Shabaab ay kordhiyeen duulaanka iyo weerarada ay ka wadeen degmada Qoryooley iyo dhammaan deegaanada ku dhow dhow.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Maxamed Cabdi Gaashaan, oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Al-shabaab waxay go’doomiyeen deegaannadii looga imaanayey Qoryooley, waxay ka dhigeen kuwo ay Wabiga ku daayaan iyo kuwo ay ciidan dul dhigaan”.

Waxa uu intaa raaciyay “Habeen hore wey nasoo weerareen waana iska caabinnay, waxaadna moodaa in dhankeena ay culeys soo saarayan”

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili ay maleeshiyada Al-shabaab ay horey u go’doomiyeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Sh/hoose, Baay iyo Bakool.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this