Sign in to follow this  
Deeq A.

Waqtiga kama dambeysta ee Al-Shabaab laga saarayo Somalia oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday qorshe socda oo Soomaaliya oo dhan looga sifeynayo Al-Shabaab.

Indho Qarshe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in sanadka soo socda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka oo dhan la iskuna furo waddooyinka muhiimka ah ee Gobollada dalka sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo iyo waliba in la furo wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Waxa uu hadallkan ka sheegay markii uu shalay kormeeray Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ku yaalo deegaanada Baarsanguuni, Buulagaduud iyo deegaano kale  oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa ku dhiira geliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loogu guuleysto waqtiga ay dowladda qabsatay ee ah in 2019 laga xoreeyo dalka oo dhan.

“Aad iyo aad waxaan idin kugu dhiira gelineynaa inaad iska dhicisaan nimankaasi, anaguna waxaan balan qaaddeynaa inaan idin ku taakuleyno sidii la isaga dhicin lahaa ama aqoon ha noqoto ama qalab ama wax walba oo aad Dowladda uga baahan tihiin,idinkana waajibaadkiina sidaasi oo kale baan idin ka rabnaa inaad u gudataan,aad baad u mahadsan tihiin waxaan isku ognahay guul iyo gobanimo,” ayuu yiri Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Jubbaland iney soo diraan ragga ugu wanaagsan ee ugu geesinimada badan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland si tababar heerkiisu sareeyo loogu siiyo Xerada tababarka Turk-som ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka taliyaha ciidamada xoogga dalka kana Daawo Sawirrada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this