Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha K/galbeed Oo Maanta La Magacaabayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa lagu wadaa in maanta uu soo magacaabo guddiga doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Kulan lagu ballansan yahay iney isugu yimaadaan xildhibaannada K/galbeed ayuu kaga dhowaaqi doonaa guddoomiyaha xubnaha guddigan.

Guddigan ayaa ka koobnaan doona oo kaliya xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed, iyadoo magacaabis kadib ay xildhibaanna cod gelin doonaan.

Waxaa jirta walaac ay qabaan qaarka mid ah musharraxiinta oo ku saabsan in guddiga lasoo magacaabayo yahay mid dhan ah oo aan loo dhammeyn.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this