Deeq A. Posted October 20, 2018 Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo awal la qorsheeyay in uu galabta furmo ayaa dib ugu dhacay Axadda berri ah,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Garoowe. Dhammaan madaxda shirka yeelanaysa oo ka kooban afarta madaxweyne ee Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa wada’jooga magaalada Garoowe. Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe oo hal diyaarad ka soo wada-raacay magaalada Baydhabo ayaa duhurnimadii maanta soo gaaray caasimadda Garoowe,halka madaxweynaha Galmudug uu galabta soo gaaray Garoowe isagoo safar dhulka ah kaga yimid magaalada Gaalkacyo. Qodobada shirkan looga hadlayo weli faahfaahin lagama hayo,laakiin wuxuu ku soo aadayaa xilli khilaaf u dhexeeyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda golaha islaashiga dowlad goboleedyada oo qaarkood doorasho ku soo fool leedahay. PUNTLAND POST The post Shirka GID oo dib ugu dhacay Axadda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites