Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo aad u hubeysan oo awood kula wareegay qeybo ka mid ah Magaalada Garowe (Sababta)

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa la wareegay qeybo kamid ah Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan kasoo foodsaartay dhanka maamulka waxa ayna xireen dhammaan isu socodka gaadiidka.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa xiray Wadooyinka aada Madaxtooyada iyo Wasaarddaha ee magaalada Garowe waxa ayna qaarkood dhigeen dhagxaan waaweyn iyo biro.

Waxay Ciidanku celinayaan gaadiidka iyo dadkii halkaasi mari lahaa waxa ayna saameysay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada loo maro wadooyinkaasi.

Ciidamada ayaa qaarkood waxa ay sheegen in mudo 7 bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay u baahan yihiin mushaarkooda.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa waddo dadaallo Ciidanka looga wareejinaayo wadada,maadaama Maanta lagu waddo in ay gaaraan Magaalada Garowe Madax ka socota maamul goboleedyadda.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ku caan baxay Sanadyadii lasoo dhaafay markii ay mushaarka waayaan bilooyin in ay xoog kula wareegaan xarumaha maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaso

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this