Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madobe: DF waxaa isaga wareeray oo ay kala saari la’dahay laba ARRIN

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia ay kala garan la’dahay mas’uulyada ka saran amniga Jubbooyinka iyo Khilaafka kala dhexeeya maamulka.

Axmed Madoobe, oo xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay sugto amniga deegaanada Jubbooyinka iyadoo aan isku xirin Khilaafka jira iyo howlaha amniga.

Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay mas’uul ka tahay amniga deegaanada Jubbooyinka iyo goobaha ay gacanta ku heyso Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dowlada un wax laga weydiin doono ka hor inta aan la weydiin maamula Jubbaland.

Axmed Madoobe oo ka hadlaayay kulanka uu la qaaday Indha Qarshe ayaa yiri “Dowlada maaha inay isku xirto xoreynta deegaanada Jubbooyinka oo qaar ay heystaan al-Shabaab iyo khilaafka nagala dhexeeya, runtii aad ayaan uga xunahay in leysku qabto laba arrin oo aan is laheyn”

Axmed Madoobe, waxa uu Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Indha Qarshe u sheegay in Jubbaland ay dooneyso inay qaado dagaal toosa oo ay la gasho Al-Shabaab, sidoo kalane laga doonayo in taliska uu qaato kaalintiisa ciidan ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Indha Qarshe u cadeeyay in Jubbaland ay ka gaashaman doonto Al-Shabaab, hase yeeshee Taliska ciidamada Xoogga laga doonayo muujinta kaalintooda, si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Indha Qarshe oo wali wadahadal kula jira Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in dowlada Somalia uu ku dhiiri galiyo sida ay kaalin uga qaadan laheyd xoreynta deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan qeybaha gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this