Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha ciidamada DF: WASIIRADA ayaa diidan in laga adkaado A-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Militariga General Cirfiid ayaa markii uu la wareegay xilka, waxa kulan uu la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay caqabad ku tahay xorreynta dalka.

Hadalka taliyaha ayaa yimi kaddib markii uu Madaxweynaha ka dalbaday in uu u sharraxo sababta hortaagan ee ay tallaabo uga qaadi la’yihiin Al-Shabaab ama aysan u dar dar galin dagaalka looga soo horjeeddo kooxdaas.

General Cirfiid ayaa ugu jawaabay Madaxweyaha in Xukumaddu ay sabab u tahay isaga oo ku yiri “Ciidamada waxa ay ku maqan yihiin wasiirada”.

Taliyaha waxa uu hadalkaas ula jeeday ilaalada Wasiirada oo aad u tira badan kana mid ah ciidamada Militariga, kuwaas oo aad u yareeyey ama wiiqay cududda ciidan ee uu dalka haysto.

Tusaale, Wasaaadaha dalka oo dhan waxaa ilaaliya ciidammo Militari ah oo aan tiradooda ka yareyn 20 haddii aysan ka badneyd, halka Wasiir walba ay si gaar ah u ilaalin ilaa iyo shan – lix kale oo uu isaga mushaar gaar ah siiyo.

Hadalkaas markii uu dhaggeystay Madaxweynaha waxa uu Cirfiid ka dalbaday in uu yimaaddo shirka Golaha Wasiirada maalinta uu dhaco oo uu arrintaas ka hor sheego.

Sida uu Caasimada Online ugu warramaya mas’uuliyiin ka ag dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliye Cirfiid wuu horyimi Golaha waxa uuna ka hor jeediyey arrintaas dib u dhaca ku noqotay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xorreynta dalka.

General Cirfiid kaddib hadal jeedintiisii waxa uu kala dooran siiyey Wasiirada laba mid kood; 1 – in ay soo celiyaan ciidamada Militariga ah ee ilaaliya oo ay qortaan Boolis 2 – in Ciidamada ay haystaan ee Militariga ah looga dhigo Boolis oo Gaashaandhiggu qorto ciidamo hor leh oo u buuxiya booskooda.

Wasiirada waxa ay iska dhigeen kuwo arrintaas ka garaabay balse waxba lagama fulin sida uu mas’uulka ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu warramaya Caasimada Online.

Hase ahaatee, waxaa hadda arrintaas dar dar galiyey oo diiwaan galin iyo sixid ku wada ciidamada Militariga taliyaha cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha magacaabay Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Waxaa xusid iyadana mudan, on mudaneyaasha labada Gole ee Baarlamaanka ay ilaaliyeen ciidamo Militari ah taas oo sii badineysa ciidamada ka maqan Gaashaandhigga ee aan dagaalka dalka lagu xorreynayo loo adeegsan karin.

Waxaa sidoo kale intaa dheer, in ciidamada Militariga ay ilaaliyaan xarrumo badan oo ay dowladda leedahay sida Bangiga dhexe iyo IWM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this