Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Sucuudiga oo Qiratay Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada wadanka Sucuudiga  ayaa qiratay dilkii loo geeystay saxafigii caanka ahaa ee u dhashay dalkaasi sucuudiga oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji.

War ay qortay wakaalada wararka ee sucuudiga ayeey ku sheegtay in dilkaasi uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo ilaalada Qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul.

Suxifigaan oo in badan la baadigoobayay ayeey ugu dambeeyntii sucuudiga uu qirtay in ciidamadiisu ay dileen.

Dhinaca kale Sucuudiga ayaa sheegay in ay 18 qof oo kamid ah saraakiil sar sare arintaasi loo xeray.

Sucuudiga ayaa la kulmaya cadaadisyo badan oo kaga imaanaya wadamada reer Galbeedka oo ka xumaaday dilka wariye Jamaal Khaashuqji.

Wadamada dunida ayaa lagu wadaa ina ay maanta war ka soo saaraan sheegashada Sucuudiga uu sheegtay dilka wariyaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Dowlada Sucuudiga oo Qiratay Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this