Sign in to follow this  
Deeq A.

Abuu Mansuur oo wajahaaya kalsooni daro kasoo food saartay Beeshiisa kadib Hanjabaado uu…

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Wadaadka Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo mar soo noqday Hoggaamiye Ku-xigeenkii hore ee Shabaab iminkana ah musharax u tartamaaya doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajahaaya culeysyo dhanka doorashada ah.

Abuu Mansuur oo iminka ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa culeyska ugu badan kala kulmaaya dhinacyada Odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta ku dhow dhow.

Kulamada ugu badan ee taageerada uu ku raadinayo Roobow, ayaa ka socda Hotelka Horyaal, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu kula kulmaayay Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda beeshiisa.

Roobow Abuu Mansuur ayaa dhinacyada ku heebta ah ka waayay taageero rasmi ah kadib cadaadis la sheegay inuu kasoo wajahay dhanka Odayaasha dhaqanka..

Sababta ugu weyn ee hoos dhaca ku keenay ololaha Abuu Mansuur ayaa la sheegay inay tahay kadib markii Saraakiil ka tirsan kuwa la shaqeeya Roobow ay taleefoono ku handadeen Odayaasha Dhaqanka reer Koonfur Galbeed, iyagoo ku cadaadinaaya inay taageero u muujiyaan.

Saraakiisha sida dhow ula shaqeeya Mukhtaar Roobow ayaa sabab u noqday in Abuu Mansuur uu waayo taageero badan oo uu ka sugaayay inuu ka helo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Odayaasha dhaqanka oo dacwado ka gudbiyay Saraakiisha la shaqeeya Abuu Mansuur ayaa sheegay in Saraakiishu ay wali yihiin kuwo heysta habdhaqanka Jabhada Al-Shabaab ee duurka ay la joogi jireen.

Abuu Mansuur oo u muuqda mid quus taagan ayaa lasoo sheegayaa in wali uu ku sugan yahay Hotelka Horyaal ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo xaalad murug siyaasadeed ay ku haysato.

Waxaa xaaladaasi murugada leh u sabab ah weysmada Odayaal uu taageero waydiistay, sidoo kalena ma jirto hal Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo isku aamini karo inuu kulan la qaato Roobow, maadaama ragga hareeraha ka jooga Roobow ay yihiin kuwa halis ah amni ahaan.

Dhinaca kale, Abuu Mansuur ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhawaaqo is casilaad maadaama uu wajahaayo culeysyo dhanka Siyaasada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this